Dowladda Itoobiya Oo Magacawday Guddi Wadahadal Lagali Doona TPLF! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Itoobiya Oo Magacawday Guddi Wadahadal Lagali Doona TPLF!
June 28, 2022 - Written by Editor:

Addis Ababa(W,N)-Dowlada Itoobiya ayaa guddi u magacawday wadahadal lagali doona Jabhadda TPLF, guddigaas oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa hoggaaminaya raysal wasaare ku xigeenka Itoobiya Damake Mekonin.

Guddigan ayaa waxaa ku jira xubno culus oo xilal sare ka haya dowladda federalka Itoobiya, sida Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, la-taliyaha raysal wasaare Abiy Axmed ee dhanka amniga iyo xubno kale.

Dowladda Itoobiya ayaa guddigan u magacwaday si xal nabadeed looga gaadho dagaalka sokeeye ee mudada sannad iyo badhka ka soconayay Waqooyiga Itoobiya, kaas oo u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Labada dhinac waa Dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa horey waxay isugu raaceen inay wada hadal gali doonaan, kaas oo ay gadhwadeen ka yihiin Midowga Afrika kana dhici doona dalka Kenya.

TPLF wali kama hadlin xubnahan ay dowladda Itoobiya usoo magacawday inay wadahadal lagalaan TPLF.

COMMENTS
LINKS