Madaxwayne Biixi Oo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Jsl. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Jsl.
June 29, 2022 - Written by Editor:

WAREEGTO MADAXWEYNE: 29 /06/2022.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-892/062022 ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:          Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:          Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:  In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:    La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Siciid Xasan Habbane laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS
LINKS