Siyaasada Iyo Fahankeeda!!W/Q: Aqoonyahan Cabdirasaaq Aw Muuse. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasada Iyo Fahankeeda!!W/Q: Aqoonyahan Cabdirasaaq Aw Muuse.
June 30, 2022 - Written by Editor:

Siyaasadu waa habraac sharci, xeerar, hab Maamul wanaagsan, midaynta shacabka, iyo ka Shaqaynta danta guud, iyadoo ay jirto Mabbaadii guud oo la isla qaatay, iyadoo Hamilooyin la hiigsanayo iyo qorshayaashii lagu gaadhi lahaa himilooyinkaasi dhaw iyo kuwa fogba, iyadoo loo marayo dariiqa ugu haboon ee lagu gaadhi karo, oo loo kala horaysiinayo qorshayaashu siday u kala mihiimsanyihiin.

siyaasadu waxay xalisaa khilaafaadka iyo waxyaabaha isdiidan, waxay nabad ka dhex dhalisaa dadka dhexdooda iyadoo ka dhex abuuraysa muxubo iyo jecayl walaaltinimo.

tusaale ahaan:

1)Qofka siyaasiga ahi waa inuu aqoon iyo waaya aragnimo uleeyahay cilmiga siyaasada.

2)Siyaasigu waa inuu yahay mid la socda xaaladaha dadka iyo deegaankuba ay ku suganyihiin, aqoon fiicanna uleh bulshada iyo deegaankaba.

3)Waa inuu yahay qof dhib kasta oo markaa taagan xalin kara dadkuna ay ku kalsoonyihiin oo loo yeedho iyadoo wuxuun arintaasi ku saabsan loogu xilanayo.

4)Siyaasigu waa inuu leeyahay mabda iyo mawqif adag, isagoo raacaya shuruucda wadankeena inoo taal iyo diinteena suubani waxay ina farayso.

Waxaan qoraalkan ula jeedaa jaahwareerka siyaasadeed ee Siyaasiyiinteenu ka dhex abuurayan bulshadeena sanadihii ugu Danbeeyey, bulsho ahaan dadkeenu ma fahansana siyaasada Iyo mabaadiideeda.

Waxaan kaloo dadkaa usoo jeedin lahaa inay midnimadooda iyo wada jirkoodaa ilaashadaan, kana fogaadaan siyaasi dan gaara leh oo dhiigooda ka dhigta salaan uu ku gaadho dantiisa gaarka ah.

QALINKII: CABDIRISAAQ AW MUUSE XASAN

Email:- muusehassan18@gmail.com

COMMENTS
LINKS