“Waxan Uga Naxay Sidii Qof Aan Garanayo Oo Geeriyooday…”Suxufi Abiib Iimaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxan Uga Naxay Sidii Qof Aan Garanayo Oo Geeriyooday…”Suxufi Abiib Iimaan.
July 1, 2022 - Written by Editor:

Muddo sanad iyo badh ah waxa ay ku noolayd dayrka guriga iyo Daaradiisa, maalintii ciiddii shuwaal Ayey dhashay 4 caruur ah Xabad ayaa ka dhimatay waxaanay ahayd hooyo haysata 3 Caruur ah oo ay sida hooyo dhamaanteed lagu yaqaano u Koriso una nuujiso oo dhaxanta ay boga ka galiso kana difaacdo cidkasta oo damacda in ay waxyeelayso ubadkeeda.

Markasta oo aan arko iyada oo ay u jaqayaan si cajiib ah oo u jiifta iyo iyada oo ciyaarsiinaysa waxa ii gali jiray naxariis iyo damqasho, waana sababta ay iiga dhigatay saaxiibkeeda koowaad oo marka ay codkayga maqasho waxay judhaaba soo gali jirtay halkaan joogo.

Maanta oo jimce ahayd waxa dhacay dhaqan aanan ku aqoonin caruurtaasi kadib markii ay guriga iyo madbakha kusoo yoomeen waan layaabay oo waxoogaa hilib ah ayaan u tuurtuuray.

Markaan guriga kasoo baxay waxoogaa yar waxan laamida ku arkay maydka bisad xalay uu jiidhay gaadhi baasi waxan dareemay caruurtii yaryarayd ee maanta dhaqanka cusub aan ku arkay in ay hooyadood tahay waxan telefoon kula hadlay oo waydiiyey gurigii goorta ugu dambaysay waxaanay ii sheegeen in aan ilaa xalay la arag markaa waa iyadii maydkaasi.

Naxdin waynaa mayeedhaan waliba yar yar oo aan hadlaynin oo kugu ag nool waliba caruur ah

Walaahi waxan uga naxay sidii qof aan garanayo oo geeriyooday…”

Waxa Qoray Wariye Abbiib Iimaan.

COMMENTS
LINKS