“Odayada Dhaqanku Marwalba Maamuus Iyo Milgo Ayey Inaga Mudan Yihiin”Mahamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Odayada Dhaqanku Marwalba Maamuus Iyo Milgo Ayey Inaga Mudan Yihiin”Mahamed Dhimbiil.
July 13, 2022 - Written by Editor:

(Umaddii Aan Is Tixgalinin Meel Kalena Tixgalin Ka Heli Mayso)

Odayada dhaqanka anigu waxa aan u hayaa maamuus iyo qadarin mansab walba iyo martabad walba , waxa aan u aqaanaa kuwa aanu qarankani la’aantood dhismeem ee iyaga oo fara madhan hubka ka dhigey ciidan beeleedyo iyo jabhado hubeysan waana halka ay isku dhaafeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Dalkani waxa ay ku leeyihiin milgo iyo maamuus , qadarin iyo xushmad marnaba ma mudna hiif iyo haaraan , marxalad walba waxa ay u soo taagnaayeen nabadeynta iyo walaaleynta dadka jamhuuriyada Somaliland.

Waxa la yidhi mayd maxaa ugu dambeeyay kaa la sii sido , xanaftii doorashadii 2017 reebtay waxa ku xanuunsaday oo ilaa maanta dhul yaal u ah Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani oo aynu kawada warqabnaa sidii uu ugu guntaday damintii xurguftii ka dhalatay doorashadii madaxweynaha.

Markasta oo ay adkaato kuwa u kaca ee dadka isku soo jiidaa waa iyaga , kulanada mucaaridka iyo xukuumada waxa suuragaliyey ergadii is xilqaantay oo ku soo dabaalay in la wada hadlo oo la isku yimaado.

Waxa aan arkayaa dad badan oo baraha bulshada ka dhaliilaya oo hadalkoogu u dhigan yahay si xukuumadii hore wax ay siin jirtay laga gooyey oo kale oo ay dhamaantood ugu cadheysan yihiin xukuumada.

Waa dadka kaliya ee qarankani tabaruc iyo iskaa wax u qabso ku soo waday oo marwalba oo ay adkaato inagu kala dhex guntada , mana aha in milgaha dhaqankeena iyo nolosheenii aasaasiga ahayd aynu meel kaga dhacno.

Gud: Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

 

COMMENTS
LINKS