Murrashax Cirro Oo Xukuumadda Saaray Culays Dublamaasiyaddeed!Falanqayntii Saleebaan Saxan Saxo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murrashax Cirro Oo Xukuumadda Saaray Culays Dublamaasiyaddeed!Falanqayntii Saleebaan Saxan Saxo.
July 25, 2022 - Written by Editor:

Murrashaxa Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa jeediyey hadal qaatay muddo ku dhow 26 daqiiqadood, taas oo kaga hadlay khilaafka Siyaasaddeed  dalka ka taagan.

Cabdiraxmaan Cirro oo si ka duwan sidii la filayey u hadlay, ayaan halkan ku soo koobaynaa waxyaabaha aynu ka baran karo amma ku duugnaa khudbadan.

1;Khudbada Cirro waxa ay noqotay mid hadal hayn badan dhalisay oo dadka siyaasaddiisa ka soo horjeedaa qaarkood soo dhaweeyeen, madaama oo la filayey go’aamo culus oo cadho xambaarsan uu jeedinayo.

2;Waxa uu xukuumadda u diray u Laylis siyaasaddeed oo ah in ay wakhti, diyaargarow iyo feejignaan ka gasho Mudaharaad uu sheegay Cirro in ay dib u bilaabayaan oo aanu wakhtigiisa la cayim, taas oo culays ku keeni karta Xukuumadda.

3;Qodobka ugu muhiimsan ee uu kaga hadlay dhamaadka muddo xilkeeda Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa noqon kara mid saameyn weyn ku yeesha Xukuumadda, isla markaana xaaladda uga sii darta, madaama oo miiska keenay xujo culus oo ah in ay u siman yihiin kursiga waddanka u sarreeya marka la gaadho 13 Nov.

4;13 Nov, haddii aan xal gaadhin waxa dhici karta in murrashax Cirro wuu sheego in aanay madaxweyne u aqoonsanayn Madaxweyne Muuse Biixi, haddii aanu isaguba madaxweyne sheegan

5;Waxa uu muujiyey bisayl iyo tudhaale la xidhiidha xaaladda waddanu marayo, iyada oo hadalkiisu u quus gooyey Taageerayaashiisa iyo kuwa Muxaafidkuba, oo iyagu si weyn ugu dheg taagayey hadalka Cirro iyo go’aamada uu qaato oo labada dhinacba danaynayeen.

6.Murrashax Cirrro, waxa uu ka furtay Xukuumadda in ay wakhti geliyaan Odayaash la abaabuli jiray ee nabad gelyada ha la ilaaliyo odhan jiray.

7.Murrashax Cirro ma bixin Fursad ay Xukuumaddu ka faa’idaysto oo ku saabsan in lagu shaanbadeeyo kicin iyo inuu xasilooni darro abuurayo, balse isagii ayaa dib u waaniyey Xukuumadda iyo madaxda Kulmiye

8 .Waxa uu muujiyey inuu ogolaaday isaga oo dadka iyo qaranka u tudhaya go’aankii Mudaharaadka ee ay u baajiyeen iyaga oo wakhti siinaya waan-waan tii waxgaradku wadeen, isaga oo muujiyey in xagooda ay wax kasta diyaar u ahaayeen.

  1. Waxa uu la hadlay shacabka Somaliland oo uu tusay dhibaatooyinka haysta ee dhinaca nolosha, taas oo dadku aanay filayn inuu is dul taago.
  2. Garnaqsi siyaasaddeed iyo mid sharciyeed oo asalka ku haya dhacdooyinkii u dambeeyey ee dalka ka dhacay iyo halka uu ka soo bilowday khilaafka taagan.
  3. Waxa uu soo bandhigay in madaxweynuhu odayaashii Kalsooni siin waayey, isla markaana labada Masuul ee hab maamuska qaranka marka la eego ku xigayna uu kalsooni siin waayey, halka uu sheegay in ay iyagu muujiyeen dul-qaad, tudhaale iyo in ay diyaar u noqdaan in ay duuduub ku liqaan wixii lagu xukumo.

12.Waxa uu muujiyey in khilaafka siyaasaddeed uu yahay mid saamayn ku yeeshay ifafaalihii Xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka, isaga oo xusay in siyaasadda guddaha dhibaatada ka taagni ay niyad jab ku riday xildhibaannadii Baarlamaannada Ingiriiska iyo Mareykanka ee Somaliland u ololaynayey.

Xigasho :- Saleban Saxansaxo

COMMENTS
LINKS