WAJAALE NEWS

Dawladnimadu Waxa ay Udhisan Tahay Ilaalinta, Daryeelida Iyo Horumarinta Qofka!

Dawladnimadu waa nidaam ku dhisan heshiis bulsho ( social contract ) ujeedada loo sameeyeyna ay tahay ilaalinta , daryeelka iyo horumarinta qofka , wax walba oo intaasi ku lidi ahi waxa uu ka hor imanayaa waxii aynu u dhisanay nidaamka dawladnimo.

Haddaba waxa marar badan dhacda in nidaamka dawladnimo dulmi iyo tacadi loogu geysto dad muwaadiniin ah waxaana inta badan falalkaasi ka dhacaan ciidamada dalka ee kala duwan , dadka ay dhibaabtooyinkaasi gaadhaan ma helaan garawsho iyo cawed celin waxii gaadhay iyo dambigii laga galay.

Ma lihin muxuu qalad u dhacaa , laakiin hadii ay wax qaldamaan ama gefaf dhacaan dalwaliba waxa uu leeyahay cid la xisaabtanta cida gafka sameysay iyo nidaam lagula xisaabtamo ilaa hadda jamhuuriyada Somaliland kumaan arag wax lagula xisaabtamo ciidamada marka uu gef ka dhaco.

Golaha wakiiladu miyaanu la xisaabtami karin madaxda hay’adaha nabadgalyada sida police ka , ciidamada military ga , ciidamada sirdoonka iwm ah maadaama ay dadka wakiil ka yihiin

Danbiyada ay ciidamadu dadka ka galaan yaa kula xisaabtamaya ama yay u yihiin ( accountable ) oo anshax marintooda leh , waa su’aalo muhiim ah in aynu jawaabo u helno maadaama aynu nahay dal dimuqaraadi ah.

Sida aynu xuquuqdooda ugu doodno ciidamada qalabka sida ayaynu u baahanahay in aynu u ilaalino xuquuqda muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland oo ah kuwa mudan marwalba ee dawladnimadu u dhisan tahay.

Waxaaba aad moodaa hada in hadda dhaqankii dawladaha ciidamadu maamulaan aynu soo yeelanayno oo aan la soo hadalqaadi karin gefafka iyo tacadiga ay gaystaan ciidamadu kuwaas oo qadaf ku ah dawladnimada, dinuqaradiyada iyo wanaaga aynu la rabno qaranka jamhuuriyada Somaliland .

QALINKII; Mohamed Abdi Jama (M. Dhimbiil)

 

Exit mobile version