WAJAALE NEWS

Wafti Culus Oo ka Socda Ciidamada Federaalka Itoobiya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Caasimada Hargeysa

HARGAYSA(W,N)-Wafti culus oo ka socda Itoobiya oo uu hoogaminayo Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya General  Burhanu kabadha iyo sarakiil kale oo sare.

Madaarka  Hargeysa waxa si heer sare ah waftigan ugu soo dhaweeyay Abaandulaha Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale, Hooganka Hawlgelinta ciidamada Qaranka Somaliland  Sareeye Guuto Cabdi Cabdilaahi Xasan  Hooganka Xidhiidhka dibada ee ciidanka Qaranka Somaliland.

Waftigan ayaa hawlo shaqo Somaliland u soo gaadhay waxayna la kulmi doonan Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaacil Taani.

Xigasho:Xafiiska warbaahinta Ciidanka Qaranka jsl .

Exit mobile version