Madaxwaynaha DDS Oo Ka Digay In Dhaqamo La Mid Ah Kuwii Dawladii Hore Looga Faa,idayso Ka Hortaga Ururka Alshabaab. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha DDS Oo Ka Digay In Dhaqamo La Mid Ah Kuwii Dawladii Hore Looga Faa,idayso Ka Hortaga Ururka Alshabaab.
August 3, 2022 - Written by Editor:

JIG JIGA(W,N)-Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Somalida mustafe muxumed cumar ayaa kulan la qaatay qaarkamid ah culimo awdiinta deegaanka iyo waxgarad kaasi oo ujeedadiisu ahayd sidii layskaga kaashan lahaa adkaynta abniga iyo ka hortaga ururka argagixisada ah ee alshabaab oo duulaan kusoo qaaday deegaanka somalida ee dalka itoobiya.

Sidoo kale madaxwayne mustafe ayaa ka digay in arimaha ka hortaga alshabaab dad dano gaar ah lihi uga faa,idaystaan in dadka lagu wanjalo cid aan ahayna lala xidhiidhi taasi oo uu sheegay in ay dhici jirtay xiligii itoobiya uu katalinayay tegraygu islamarkaana la laayay dad badan oo kamid ah culimada iyo haldoorka deegaanka somalida.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS