Qaramada Midoobay Oo Fariin Digniin Ah Udirtay Shaqaalahooda ku Sugan Caasimada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Fariin Digniin Ah Udirtay Shaqaalahooda ku Sugan Caasimada Somaliland
August 4, 2022 - Written by Editor:

Qoraal ay soo saartay hay’adda amniga  ee Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo UNDSS , ayaa lagu sheegay in ciidamada gaar u ah illaalinta xarumaha Qaramada Midoobay ee magacooda loo soo gaabiyo SPU   loo qorsheeyay ka hor taga mudaharaadyada   la filayo in  ay dhacaan maalmaha soo socdo , waxaana  ciidan dheeraad ah lagu  daad gureeyay gudaha magaalada Hargeysa si ay uga hortagaan mudaharaadka  .

Waxa  ay arrintan keentay in ay yaraadaan ciidankii  ilaalin jiray xarumaha Qaramada Midoobay , iyada oo la tixgelinayo xaaladda  iyo ciidamada ilaalin jiray xarumaha Qaramada Midoobay ee la yareeyay  wada tashina lala  sameeyay xafiiska amniga Qaramada Midoobay ee Hargeysa , waxa la badelay habkii loo shaqayn jiray , iyada oo shaqaaluhu ay bilaabeen 3 bishan  August in ay guryaha ku shaqeeyaan  illaa ogeysiis dambe soo baxayo .

Dhamaan shaqaalaha qaramada Midoobay ee fariinta loo diray waa la siiyay tilmaamo ay  talooyin

1- in ay feejignadan ,oo ay dib u eegaan  talo bixinta Amaanka

In ay la socdaan  diigniinta amaanka ee ugu danbaysay ee ay bixisay hayada undss ee ay soo marisay habka electronic ah ,sida ogaysiisyada iyo talooyinka amni ee uu soo saaray xafiiska amniga qaramada midoobay ee hargeysa

COMMENTS
LINKS