Maamulka Abiy Ahmed Ma ka Wada Dagaalami Karaa Furimo Badan Xiligani? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Abiy Ahmed Ma ka Wada Dagaalami Karaa Furimo Badan Xiligani?
October 23, 2022 - Written by Editor:

“Raisal Wasaaraha Ethiopia Uma Jeedo In Uu Heshiis La Galo TPLF” Mahamed Dhimbiil.

Dhowaan ayuun bay ahayd markii midowga Africa sheegeen in ay heshiis dhex dhigayaan xukuumada Ethiopia iyo Tplf oo lagu soo saaray qoraal in gogol nabadeed koonfur Africa la dhigo.

Hore waxa u fashilmay in ay wadahadal galaan Abiy iyo Tplf waxaana in badan doonayey in uu dhex galo madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta oo ay Tplf na kalsooni u haysay.

Shantii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa qaylo-dhaan ka soo yeedhay qaramada midoobay , hay’adaha xuquuqda aadamaha iyo bulshada beesha caalamka lagaga dayrinayo xaaladaha bini-adenimo ee Tigray.

Hawlahaasi oo taagan ayaa ciidamada Ethiopia usii socdaan dhinacaasi iyo Tigray oo ay ku durkeen , waxaa markaasi muuqata in aanay xukuumada Abiy Ahmed ka Go’neyn in uu Tplf wadahadal la galo sababtii doontaaba ha jirto e.

MUXUU YAHAY QORSHAHA ABIY AHMED EE KU WAJAHAN TIGRAY ?

Maamulka Tplf Abiy Ahmed waxa uu kaga guuleystay in uu dawladaha iyo xukuumadaha Geeska ku qanciyo in ay ixtiraamaan dawladnimada Ethiopia oo aanay waxii dhexdeeda ah soo farogalinin, waxaanay noqdeen in af ka taageerta , in ciidan iyo cududba kula hawlgasha iyo qaar ka gaabsada.

Wadamada bariga Africa waxa kaliya oo dhex istaagay dawlada Kenya oo dhawr goor arinkaasi doontay in ay dhex-dhexaadnimo wax ku gasho,  Ethiopia ku qancinta dawladaha Geeska waxa ugu adkaa uguna dambeeya oo taageeray Somaliland oo in badan dhex ka ahayd waxa ka taagan Ethiopia gudaheega.

Waxaa ugu dambeeyay oo uu ku qanciyey iskaashi amaan in ay yeeshaan madaxweynaha dawlada federalka soomaaliya oo ay ka wadahadleen amniga iyo dhaqaalaha waxaana la isla qaatay in wadajir labada la isaga kaashado.

Sidoo kale dalal iyo dawlado badan oo Africa ah oo uu ku tuhmayey in taageero siiyaan ayuu Abiy Ahmed booqday xiligii ay go’doomiyeen beesha caalamku isaga oo ku gabanaya aragtida africaanimada ( pan africanism ideology), kuwaasi oo si wanaagsan u soo dhaweeyey.

Isku soo wada xoori qorshaha Abiy Ahmed ee Tigray waxa uu u muuqdaa mid aanu rabin in uu wadahadal ku dhameeyo ee uu ugu talogalay in wiiqo Tplf iyo Tigray si ay ugu qasbanaadaan maamulkiisa arinkaasina sansaantiisii waa muuqataa.

XALKA TIGRAY IYO XAALADA TPLF MAXAY KU DAMBEYN DOONTAA ?

Abiy Ahmed oo aan ilowsanayn sadex goor oo uu ka badbaaday shirqoolo loo dhigey oo intooda badan u aaneynayo Tplf, sidoo kale uurka ku haysta sidii ay aduunka ugu soo jeediyeen waxii ka dhacay Tigray oo uu si sahlan ku galay laakiin sababi gaadhay in Adis-ababa loogu yimaado.

 

Sidoo kale dalka Ethiopia oo ka dhaxlay siyaasadihii uu kula dagaalamayey Tigray iyo badelkii lacagta culeys dhaqaale iyo sicir barar ayaa aad moodaa in uu helay khibrad iyo iskutashi in uu jiri karo taageero la’aan .

Arinkaasina waa ka siiyey niyada ah in aanay ka go’neyn in uu la heshiiyo Tplf in uu af wanaagsan oo siyaasadaysan wax ku yidhaahdo mooyaane , sidoo kale waxaa uu ka werwer qabaa hadii uu yimaado heshiis Tplf ah waxaa imanaya in ay awood qaybsi ku yeeshaan xukuumada oo iyaguna aargoostaan sidii laga yeelay oo kale.

Arinkaasi oo siyaasad ahaan iyo amni ahaanba Ethiopia ku keenaya qalalaase hor leh ayaa la filayaa in sababaha uu uga cagajiidayaa heshiiska Tplf in ay ugu wayn yihiin , sidoo kale waxa sii xumaanaya mustaqbalka dadkii halkaasi ku noolaa oo mudo 2 sanadood ah ku jira qax iyo barakac joogto ah , macaluul , go’doon iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo lagula kacay kumayaal qof.

Isku soo wada xoori xal ma muuqdo maanta dalka Ethiopia oo ka cabsi qaba in uu ku bilaabmo dagaalka webiga nilekuna ma qaadi karayo culeys gudaha dalka ah iyo cadaadis uu caalamku ku sii hayo laakiin waxa aynu eegaynaa xirfada hogaamineed iyo xeelada uu Abiy Ahmed kaga gudbo caqabadaha ku soo fool leh.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS