Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Qaraabada Uu Ka Baxay Marxuum Xasan Maxamuud Caydiid Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Qaraabada Uu Ka Baxay Marxuum Xasan Maxamuud Caydiid Oo Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
November 8, 2022 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 08/11/2022.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Xasan Maxamuud Caydiid oo caawa ku geeriyooday Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay dalka iyo dadka, kaalin muhiimana ku lahaa halgamadii kala danbeeyey ee loo soo Maray Qaranka Somaliland, sidoo kalena ka soo qayb qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS