Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Tacsi Udiray Marxuum Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Musharaxa Madaxwayne Ee Xisbiga Waddani Oo Tacsi Udiray Marxuum Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska.
November 14, 2022 - Written by Editor:

Alle Ha,unaxariistee Caawa Dalka Ingiriiska Ku Geeriyooday Marxuum Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye.

Musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa dhambaal tacsi ah udirayqoyskii qaraabadii iyo bahda reer suldaan ee uu ka baxay marxuum Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye

“Waxa Aan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, Ehelada, waayeelka, waxgaradka, bahda dhaqanka, bahda Xisbiga WADDANI, Asxaabta iyo Shacabka reer Somaliland Geerida ku timid ALLE Ha,unaxariistee Marxuum Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye oo goor dhaweyd ku geeriyooday carriga Ingiriiska Gaar ahaan caasimadda London.

Marxuumka waxa uu ka mid ahaa Mas’uuliyiinta Xisbiga WADDANI ee sarsare, geeridiisa waxa aan si gaar ah uga sii tacsiyadeynayaa qoyska balaadhan ee Saldanadda oo aan leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha innaga wada siiyo, isaga Jannatul firodwsa ha geeyo, dambigiisana Alle ha dhaafo. Aamin Aamin.

 

COMMENTS
LINKS