Intee Aynu Ku Baraarugsan Nahay Dhibaatada Isgaadhsiinta Ee Dhaqanka, Diinta Iyo Badqabka Dadka Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Intee Aynu Ku Baraarugsan Nahay Dhibaatada Isgaadhsiinta Ee Dhaqanka, Diinta Iyo Badqabka Dadka Somaliland?
November 18, 2022 - Written by Editor:

(Wasaarada Isgaadhsiinta Iyo tiknooligu Intee Ay War ka Haysaa Dhaqaalaha Loogu Deeqay Isgaadhsiinta Somaliland& Somalia?)

Sida aynu ka warqabno dalkani jamhuuriyada Somaliland waxa uu wadahadalo la sameeyey jamhuuriyada federaalka soomaaliya sanadkii 2012 si looga wadahadlo danihii ka dhexeeyey waxii la isku odhan jirey jamhuuriyada soomaaliya.

Arinkaasi waxa uu sababay in uu kalsooni iyo aaminaad siiyo jamhuuriyada federaalka soomaaliya ay caalamka ka heshay loona arko dawlad soo celin karta midnimadii jamhuuriyadii soomaaliya.

Waxa beesha caalamku muqdisho isugu geysay waxii Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia wada lahaayeen , dhaqaale , maalgalin , deeq iyo dib u dhisba si wado loogu xaadho midnimadii jamhuuriyadii soomaaliya .

” Mayd maxaa ugu dambeeyay kaa la sii sido ” waxaa ugu dambeeyay dhaqaale isgaadhsiinta jamhuuriyadii soomaaliya uu siinayo baanka aduunku oo $ 80milyan ah oo hada la isku haysto , arinkaasi maxay kala socotaa wasaarada isgaadhsiinta jamhuuriyada Somaliland?

Balanqaadyadii uu sameeyey wasiirka isgaadhsiintu ee uu ka mid ahaa in jamhuuriyada Somaliland sameysato dal ku gal ( County code ) halkuu ku dambeeyay ? Isgaadhsiinta jamhuuriyada Somaliland oo ah meelaha ugu badan ee dhaqaalaha laga sameeyo intee uu xukuumada dhaqaale uga sameeyey?

Wasaarada isgaadhsiinta jamhuuriyada Somaliland xakameyn miyey saari kari wayday isgaadhsiinta dalka waxii aan ku habooneyn dhaqanka,diinta iyo nolosha dadka jamhuuriyada Somaliland si aan mustaqbalka dadkeenu u baabi’in ?

Isku soo wada xoori xukuumada jamhuuriyada Somaliland iyo wasaarada isgaadhsiinta iyo tiknooljigu siyaasad cad ma ka leeyihiin isgaadhsiinta dalka iyo kuwa dalalka jaarku sida ay u wada shaqeynayaan maadaama amniga gobolka Geeska Africa uu ku jiro xili xasaasi ah oo adag ?

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

COMMENTS
LINKS