Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum Caaqil Cabdiraxmaan Muxumed Ileeye Oo Ku Geeriyooday Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Marxuum Caaqil Cabdiraxmaan Muxumed Ileeye Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
November 25, 2022 - Written by Editor:

TACSI GUDDOOMIYE;

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, madax dhaqameedka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Cabdiraxmaan Muxumed Ileeye oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Illaahay uga baryaya in uu janatul firdawsa ka waraabiyo ehelka, qaraabadii iyo bulshada uu madaxda u ahaa ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنا لله وإنا إليه راجعون

COMMENTS
LINKS