Marxuum Maxamed Abiib Geedi Oo Gacan Ka Xaqdari Ku Dishay Magaalada Hargaysa Iyo Eheladiisa Oo Fariin Udiray Xukuumada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marxuum Maxamed Abiib Geedi Oo Gacan Ka Xaqdari Ku Dishay Magaalada Hargaysa Iyo Eheladiisa Oo Fariin Udiray Xukuumada!
December 15, 2022 - Written by Editor:

Marxuum Maxamed Abiib oo maanta Cisbitaalka Hargaysa Ugu Geeriyooday dhaawac loo Gaystay Iyo Eheladiisa oo Fariin Udiray Xukuumada Madaxwayne Biixi.

Alle Ha,Unaxariistee waxaa maanta cisbitaalka magaalada hargaysa Ku Geeriyooday Marxuum Maxamed Abiib Geedi Oo Dhaawac Culus loogu gaystay isla magaalada hargaysa ugeeriyooday iyadoo ciidamada boolisku gacanka kusoo dhigeen  gacan ku dhiiglihii dilka ugaystay kaasi oo xidhan ..

Marxuum Maxamed Abiib geedi ayaa Ugeeriyooday Nabar culus oo madaxa Uu kaga  dhuftay Eedaysanaha hada uxidhani jimcihii hore isagoo mudo 7cisho ahna Ee kazoo wareegtay maalintii lagu dhuftay nabar mudadaasina ku jiray xaalad koomo ah, maantana ku  geeriyooday Cisbitaalka Hargaysa

Marxuumka ayaa maydkiisa lagu riday talaagada Maydka Ee cisbitaalka Magaalada hargaysa

Odoyaasha iyo Ehelada Marxuum Maxamed Abiib Geedi oo Nala soo xidihiidhay ayaa sheegay in gacan ku dhiiglihii marxuumka nabarka ugaystay ay ciidamada amaanka gacanta kusoo dhigeen.

Sidoo kale Odayaasha Iyo Ehelada marxuumka ayaa sheegay in aanay aasay maydka ilaa sharciga loo marinayo ninkii dilka ugaystay.

Dhanka kale odayaasha iyo waxgaradka marxuum maxamed abiib geedi ayaa xukuumada iyo haayadaha garsoorka ugu baaqay in deg deg sharciga loogu horkeeno eedaysanaha marxuumkan dilka ugaystay,

 

Waxaan halkan tacsi uga dirayaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum Maxamed Abiib Geedi in Ilahay samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka godka unuuro.

COMMENTS
LINKS