Wasiir Kaahin Ma ku Dhiiran Doonaa Qiimeynta Gobolada Iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Kaahin Ma ku Dhiiran Doonaa Qiimeynta Gobolada Iyo Degmooyinka Jamhuuriyada Somaliland?
December 19, 2022 - Written by Editor:

Gobolada jamhuuriyada Somaliland ayaa ah 14 Gobol , halka ay degmooyinka dalkuna yihiin 100 degmo sida ku cad Xeer lr-23/2019 .

Waxa aynu ognahay in uu sharciyan dalka jamhuuriyada Somaliland ku shaqeeyo 23 degmo iyo 6 Gobol oo iyagana laga soo dheegay uun sidii uu dalkani ingiriisku u maamuli jiray.

Haddaba wasaarada arimaha gudaha jamhuuriyada Somaliland ayaa ah wasaarada ku shaqada leh qiimeynta gobolada iyo degmooyinka dalka , sidoo kale waxa ay ku shaqo leedahay kala xadeynta gobolada iyo degmooyinka dalka.

Wasaaradani oo qaranka u haysa hawlaha ugu muhiimsan gudaha dalka oo amnigu ugu horeeyo ayaa hadda waxa wasiir ka ah Maxamed Kaahin Axmed oo ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga talada haya ee Kulmiye, sidoo kalena dhawaan daaha ka rogay in uu damaciisa siyaasadeed yahay in uu qarankani hogaamiyo.

Muj Mohamed Kaahin xil uu qaranka u qabto waa kii ugu horeeyay 30 sanadood, xilkii kani ka horeeyayna waxa u magacaabay madaxwaynihii ugu horeeyey ee jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Tuur waanu iska casiley xilkaasi oo ahaa wasiirka gaashaandhiga.

Haddaba waxa la isweydiinayaa mudada uu joogo wasiir Maxamed Kaahin wasaarada arimaha gudaha jamhuuriyada Somaliland ma sameyn doonaa raad uu kaga duwan yahay wasiiradii tirada badnaa ee soo maray wasaaradaasi oo uu ka mid ahaa Madaxwaynaha talada haya hadda.

Halka meel ee u banaan in uu wax muuqda sii sameeyo waa in qiimeyn lagu sameeyo sideeda ( 8 ) Gobol  ee aan wali golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ansixinin gobolnimadooda oo intii buuxisa shuruudaha uu golaha u gudbiyo si dalku isku raaco , waana hawl isha aad loogu hayo xiligani waliba.

Sidoo kale waxa jira 77 degmo oo aan iyagana si dhab ah loo qiimeyn oo digreeto madaxweyne uun lagu magacaabay oo dhamaantood u baahan in la qiimeeyo kuwii gole deegaan yeelanaya loo sameeyo kuwii aan is bixinayn laga noqdo.

Markaa wasiir Maxamed Kaahin ma ku dhiiran doonaa hawlahaasi culus ee wasaaradiisa horyaala inta aanu u ban bixin hankiisa siyaasadeed iyo hiigsiga mansabka kan ka sareeya ee uu damaciisa leeyahay ee aanu kursigan ka tegin ?

QALINKII; Mohamed Abdi Jama.

Dhimbiil Mohamed

 

COMMENTS
LINKS