Qorshihii Soomaali Lala Rabay Oo Ay Soomaalidu Jidkiisii Hayso! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qorshihii Soomaali Lala Rabay Oo Ay Soomaalidu Jidkiisii Hayso!
January 5, 2023 - Written by Editor:

Shirqoolkii Ugu Weynaa Ee Soomaalida lala Damacsanaa Ayuun Bay Soomaali Oo Dhami Jidkiisii Haysaa.

( Soomaalida Geeska Africa waxa la rabaa in inta la baabiiyo, khariidadana laga masaxo lana maamulo dhamaantood )

Taariikhda marka aynu dib u raacno soomaali waxa ay ku baaba’day raadinta soomaaliweyn ( Greater Somalia) oo ahayd shan ( 5 ) soomaaliyeed deriskeenu raali kama aha oo dalalkooga ayaad soo kala dhantaaleysaa , aduunku inalama rabo oo waxa la inoo arkoo dhibta Geeska Africa waana sababta soomaaliya oo isku ab iyo isir ah federal looga dhigey ee loo sameeyey shan ( 5 ) madaxweyne goboleed oo hab isir ku dhisan.

Inta hadhayna waxa la rabaa in la sii baabiiyo oo jamhuuriyada Somaliland ugu horeyso , waxaana loogu talogalay in gobolka Geeska Africa laga sifeeyo soomaali dawlad leh iyo qaar tashanaya intaba waxaana la isku adeegsanayaa uun waa soomaali , xasuuso qisadii ( Andulus ) islaamka lagaga qabsaday .

Sababta ugu wayn ayaa ah waxaa loo arkaa dad hadii ay midoobaan bariga Africa iyo inta u dhow oo dhan qabsanaya , dabadeed waxa lagu abuuray waxa loo yaqaan argagixiso ( terrorism) oo dibada la inagaga keenay inaga oo marka horeba isla dhiban oo aan aragti ka lahayn mustaqbalka, dawladnimada iyo gobolka aynu ku noolahay midnaba.

Marka mashruucaasi dhamaado waxa si dhib yar haddana loo bilaabi doonaa wax kale oo lagu mashquulo oo soomaalidu madaxa kor u qaadi kariwaydo inta waxani socdo ayaa la diyaarinayaa waxii xigay , Sababta ugu weyni waa dhulka aad degan tahay muhiimadiisa , khayraadkiisa , caqiidada aad aaminsan tahay iyo doonistaada ku dhisan isirka soomaalinimo oo aan dalal iyo dawlado u arkayn maslaxad iyo dan.

Waxa kale oo la inagu furay dagaal feker iyo diin ah oo xaga carabta inagaga yimid oo iyaguna ah in aan khayraadkeena la daah-furin , gobolka aynu deganahay oo israraji ahaan aad ugu muhiim ah aduunku aanu khaleejka iyo bariga dhexe la loolamin , in aynaan ka madax banaanaan aragti iyo hogaaminta hogaamiyayaasha carabta oo 90% dunida reer galbeedka u adeega.

HALKEYNU MAREYNAA INTEESE AYNU WAX FAHAMSANAHAY.

Meel Alla meel aynu maraynaa ma jirto , lama ogola soomaaliweyn , sidoo kale soomaali badan oo dawlado yeelatana lama ogola sida jamhuuriyada Somaliland, jamhuuriyada federaalka soomaaliya iyo jamhuuriyada Djibouti oo kale oo waa lagaala dagaalamayaa.

Soomaalidu halka laga raacay xataa ma fahmi karaan , laakiin waa dawladihii gumeystaha oo markii la ina maamuli kariwaayey ee la ina haysan kari waayey waxa la inoo qaybiyey 5 meelood , waxa la inoo sameeyey xuduudo qabaail iyo nidaam qabaail oo tacab iyo tamar badan la galiyey , waxaa PHD inagu diyaariyey aqoonyahano darsay halka aanad ka tamarin karin , si laguu haysto waligaa.

Haddaba soomaalidu way isku daashay soddon sanadood kii wax u kordhaana iyagaa loo adeegsanayaa oo lugta qabanaya , may helin hogaamiyeyaal aragti leh oo halkan iyo meel ka fog ka fekeri kara oo umadan taariikhdeedaba dhibanayd halkan hore uga dhaqaajiya.

MAXAYNU KU BAD-BAADI KARNAA SI AYNU USII JIRNO OO AAN LA INOO BAABIININ.

Waxa aynu ku bad-baadaynaa in aynu is nabadgalino , wax isku hanayno oo is garab galno , bal adiguba caqlibaad leedahaye waxa aad isweydiisaa dal 6 madaxweyne leh miyuu macquul yahay ?

Soomaaliya waxa la baabiiyey xiligii Garoowe 1 & Garoowe 2 ee nidaamka federaalka loo sameeyay, waligeedna waxba noqon mayso waxna ku heshiin maayaan xataa marka ay ka guuleystaan kooxaha xagjirka xukun doonka ah ee ka dagaalama koonfur iyo gobolada dhexe ilaa bari.

Waxa soddonkii sanadood ee ugu dambeeyay koreysay oo wax u kordhayeen jamhuuriyada Somaliland oo il gaara la isaga eegayey , Somaliland na hadda ayaa lagu soo qaaday weeraradii ugu horeeyey oo loogu talogalay in lagu kala diro .

Djibouti ayey noqotay kaliya waa intaa hogaanka jooga ay danaynayaan dunida badhkeed ee danaha la is dhaafsanayo , marka ugu horeysa ee danuhu iska hor yimaadaan ( conflict of interest) waxaa ay halis ugu sugan yihiin xaaladaha Ethiopia dirqiga kaga bad-baaday ee ay ku burburi gaadhay oo imikaba dadka ka isiran Djibouti ee kala duwani Ethiopia gudaheega ayaa dagaalo ku dhex maraan.

Isku soo wada xoori waxa aynu garan laanahay inta wax aan jirin la raadinayo waar waxa jira ma aqbalnaa oo wax ma isku haneynaa mise wadadaasi la inala rabo ayuun baynu ku dambeynaa oo khariiradada in la inaga masaxo ayeynu isaga diyaar ahaanaa mustaqbalka?

QALINKII; Mohamed Abdi Jama Dhimbiil/

COMMENTS
LINKS