“Dhiig Joojintu Waa Wax, Turxaan Bixintuna Waa Wax Kale, Markaa Xalku Waa Bilow Ee Dhamaad Maaha”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dhiig Joojintu Waa Wax, Turxaan Bixintuna Waa Wax Kale, Markaa Xalku Waa Bilow Ee Dhamaad Maaha”Siyaasi Cali Guray.
January 7, 2023 - Written by Editor:

Gacan-ku-qabashada nabadgelyada Laascaanood waa xal loo arki karo keliya dhiigjoojin. Sida laga dhadhamin karo hadalka Sareeye Guuto Mahad Cambaashe reer Laascaanood way ku filan yihiin xasilinta xaaladda Bilays ahaan iyo ciidan qaran ahaanba nabadgelyada iyo xasilinta magaalada. Balse waa hadii baahiyahooda la daboolo.

Intaasi waa dhiig joojin ee maaha turxaan bixin dhan marka aynu og nahay tabashooyinka jira iyo dhibaatooyinka u gaarka Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool ee aanay la qabin gobolada kale. Hadda ogaada 2007dii Somaliland xoog kumay qabsanin Laascaanood iyo Gobolka Sool eh ee hawlgalkii ay kula wareegtay siyaasad iyo ciidanba reer Sool ayaa hogaaminayay hadii kale suurogal ma noqon karteen in ay la wareegi karto gacan-ku-haynta Laaska iyo guud ahaan gobalka Sool ee maanta gacanta Somaliland ku jira eh.

Sidaa daraadeed reer Sool hadii ay yidhaahdaan Somaliland sidii aanu ugu lisnay noogumay hambaynin waa runtood eh. Gobolka Sool qiimaha uu ugu fadhiya midnimada Somaliland ma jiro gobol kale ugu fadhiyaa, waana gobolka ugu qaalisan dhamaan gobolada Somaliland.

W/Q; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (cali Guray)

COMMENTS
LINKS