WAJAALE NEWS

Warqad Furan Oo Ku Socota Guddomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland!

Baanka dhexe Ee Jamhuriyada Somaliland waxaa uu ka mid Yahay hayadaha dalka iyo dadku ka sugayaan waxqabadka Lakiin ka gaabiyay inay daboolaan baahida ay bulshadu qabaan Iyadoo ay taasi sababayso hadaba masuulka loo soo magaacabo Ee haya maamulka iyo jihayta hayadaasi.
Baanka dhexe waa haayada ilaalisa dhaqaalaha dalka iyo isku Badalaka lacagaha qalaad iyo ta dalka leeyahay waana Jaangooyaha Sarifka lacagaha qalaad taas oo uu kula Xisaabtamyo cidda adeega ka shaqaysa ee bulshada u qabanaysa oo ah haayad ama shaqsi.


Ujeedada ugu muhiimsan ee loo asaasay Baanka Dhexe waa inuu gaadho joogteeyona degenaanshaha sicirka gudaha. Sida ku cad Qodobka afraad ee xeerkaas.
hadaba ujeedad loo asaasay baanka dhexe ee Somaliland waa uu ka gabaayiyay amaba waxba kamuu qaban intii loo soo magaacabay masuuliyiintan imika xilkiisa haya, waxaana ka mid masuuliyada ay dayaceen ama ay ku fashilmeen inay jaangooyaan isku badalaka lacagaha dollarka Maraykanka iyo Somaliland shilling.
waxaa jira in adeeg Zaadka gudihiisa lacagta layskugu dhex sarifo oo ay lambaro ay ku dhex leeyihiin sariflayaasha dalka kuwaas oo uu qiimaha usoo gooyo baanka dhexe ee Somaliland.
Qiimayaasha uu Baanka dhexe soo gooyo waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah marka uu qofku doonoyo inuu sarifto lacag dollarka Maraykanka isagoo doonaya lacagta Somaliland shilling oo loo yaqaan Gacanta horre/ iibsashada (Buying rate), Iyo inuu qofku sito lacag Somaliland shilling oo uu doonayo in loogu sarifo lacag ta dollarka Maraykanka taas oo loo yaqaan Gacanta danbe iibinta(Selling rate).
Qiimayaasha uu Baanka dhexe soosaaro waxa uu si maalinle ah uu ugu soo diraa qaab fariin taas oo uu soo dhex mariyo shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka lakiin khaladka ugu weyn ee ay galeen maamulka baanku waxay ahayd inay daba galaan fariimaha ay soo dirayaan inay sidoodii ushaqeeyeen iyo inaanay ushaqayn tusaale ahaan sariflayaasha dalku marka ay bulshada dollarka Maraykanka ka uruursanayaan ama ay ugu badalayaan Somaliland shilling waxay isticmaalaan qiimihii uu Baanka dhexe Somaliland soo saaray,

laakiin marka uu qofku doonayo inuu iibsado dollarka Maraykanka isagoo sita Somaliland shilling kuma saleeyaan fariintuu uu baanku soo diray ee waxa ay ku iibiyaan habka loo yaqaan suuqa madow iyagoo samaystay sixir (rate) u gaar ah waana ta keentay fashilka ugu weyn ee ku yimi awaamiirtii uu Baanka dhexe soosaaray ee ku salaysnayayd isku badalka lacagaha qalaad iyo shilling dalka. Haddii aad istidhaahdo adigoo lacagta shilling Somaliland ku haysta adeega zaadka aad istidhaahdo ka badalo sarifle adigoo isticmaalaya adeega zaadka ee sariflayaasha kama helaysid waxa udhigma 100000slsh oo marka la badalo Noqanayso waxaan gaadhin $12 dollarka Maraykanka iyagoo markaas ku soo diraya fariin udhigan (Fadlan Sarif lahan lacag ku filan uguma jirto) haddii aad isla  waqtigaa aad wacdo lamabarka caadiga ah ee sariflahaas oo aad waydiiso lacag inuu hayo lacag dollarka Maraykanka wuxuu ku odhanaya “waan hayaaye laakiin waxaan kaa siinayaa qiimahaas ee waxaad samaysaa lacagata ku soo dir lamabarkayga caadiga ah” heshiiskaa dhex maray labadaa qof iyadoo laga faa’iidaysanyo baahida ay bulshadu uqabto lacagata dollarka Maraykanka madaama baahiyihii aasaasiga ahaa laga dhigay in lagu iibasan karo lacagataas oo kaliyaata sida Layadhka, Raashinka, biyaha, waxbarashada, iyo Adeegyada isgaadhsiinta ee shirkaduhu iibiyaan. Markaa waxay taasi meesha ka saaraysaa Awaamiirtii iyo sixirkii uu  Baanka dhexe ee Somaliland soo saaray si uu u xakameeyo isku badalaka lacagaha,  iyadoo amarka uu jabiyay sariflahaasi tahayna in lagula xisaabtamo ama uu Baanka dhexe kala noqodo ruqdasa isku sarifka ee uu ku shaqaynayo.

Maxay Tahay Fariinta Aan Udirayo Guddomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland!

1;In uu Guddoomiyaha Baanka la xisaabtan buuxa ku sameeyo sariflayaasha dalaka gaar ahaan kuwa hargeysa wixii awaamiirta uu saasarna qaadan waayana uu kala noqodo ruqsada ay ku shaqaynayaan

2;In uu Guddomiyaha Baanka dardar galiyo shaqada baanka dhexe ee Somaliland oo gaabis ku jira tan iyo intii uu la wareegay xilka hayaadaasi.

3;In uu Guddomiyaha Baanka uu cida kastoo aqoon u leh Arrimaha sarifka.

4;Inuu Guddomiyaha Baanka la dagaalamo inta awoodiisa inaan dalku galin sarif barar

WABILAAHI TAWAFIIQ
W/Q; Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

 

Exit mobile version