WAJAALE NEWS

Jaamacada Gabiley Iyo Jidka Cusub Ee Ay Jeexday!

Iyadoo aqoon Yahanada Caalamku isku raaceen in Waxbarashadu ay kaalin weyn Ka ciyaarto isdhex galka Bulshada iyo la dagaalanka Cunsuriyada islamarkaana ay xal daaweeya u tahay Kala qaybsanaanta bulshada iyo Deegaanada ayaa jaamacada Gabiley ee tuma cade oo Ka duulaysa fulinta iyo hirgalinta mabaadii jaamacadaha ee ah in la helo bulsho Ku mideysan cilmi iyo aragti aqooneed ayaa waxay qaaday talaabo Guud ahaan Ku cusub Geyiga soomaalida,Gaar ahaana Deegaanada somaliland,Ka dib markii ay Deeq waxbarasho siisay 10 arday oo Ka mida dhalinyarada Gobalka daad madheedh.

QAABKEE  LOO XUSHAY 10KA ARDAY?

Markii la Shaacisay warkaasi ah in Jaamacada tima cade ee Gobalka Gabiley ay Deeq waxbarasho siisay 10 arday oo Ka socday Xarunta Gobalka daad madheedh ee oodweyne   ayaa waxa Ka soo baxay Su,aalo faro badan oo u badnaa qaabka 10kan arday jaamacadu u xulatay.

Hadaba Warbaahinta Herer media ayaa samaysa baadhitaano la xidhiidha nidaamka loo Xushay ardaydaasi iyadoo xogta Herer media heshay ay sheegayso in Tirada markii hore soo xareystay deeqdan jamaacada Tima cade ugu deeqday Gobalka Gabiley Daad madheedh ay ahaayeen 25 arday kuwaas oo soo xareystay codsiyada deeqdan waxbarasho,iyadoo xidhiidhku uu markii hore Ka bilaamay codsiyo jaamacada uga yimi Odayaal Dhaqan iyo xildhibaano,taas oo Maamulka jaamacaduna Ka aqbalay .

25ka arday ee soo xareystay codsiyada deeqdan waxbarasho ayaa lagu Kala saaray Laba qaab oo Kala ahaa

1:In la eego darajada ardaygu Ka keenay Imtixaanadkii dugsiga sare ee ugu qoran shahaadadiisa uu Sito (Grand),taas oo lagu Kala saaraayay Ardayda soo xareystay codsiyada waxbarasho.

2:In la eegaayay Dalabka ardaygu soo xareystay iyo maadada uu codsigiisa Ku soo qoray (Faculty) iyadoo ay Codsiga ardayga loo eegaayay kuliyadaha ay jaamacadu hayso sannadkan ee la helikaraayo (Valuable faculty),taasi oo ay suura gal noqotay in arday badan oo Darajadooda Shahaado dareysa ay Ku hadhaan dalabkoodii ay soo codsadeen,tusaale ahaan Jaamacada Tima cade sannadkan may bixineyn kuliyada Igineerinka sidaasa daraadeed ardaydii soo xareystay kuliyadaasi ma ay helin jaaniska waxbarasho ee jaamacadu ugu deeqday Gobalka daad madheedh.

Iyadoo ardaydii dhamaan soo xareystay deeqdan waxbarasho ee jaamacada Tima cade ugu deeqday Gobalka daad madheedh ay dhamaantood Ku qanceen nidaamka ama qaabka loo Xushay 10ka arday ee soo baxay .

Shantii sanno ee ugu dambeeyay Dadka Siyaasada Somaliland u isticmaala nidaamka Cunsuriyada iyo qabiilka ayaa Gobalada Gabiley iyo daad madheedh Ka dhex waday qaab qabiilaysan iyagoo dadkaasi ay u dhigaayeen in gobaladaasi ay isku Hayaan nidaamka siyaasadeed ee somaliland.

Arintan ayaa meesha Ka saaraysa borobagaadahii siyaasiyiinta qaarkood ay bulshada labadaasi Gobalka dhexdooda Ka wadeen  ee ahayd in ay Isku diraan bulshada Gobalka Gabiley iyo Gobalka daad madheedh

Jamaacada Tima cade ee Gobalka Gabiley ayaa iyadu noqoneysa jaamacada Dalka u jeexday Talaabo ugub Ku ah Saaxada Waxbarasho ee Jaamacadaha Dalka iyadoo jeexday Jid cusub oo loo qaaday dhanka Horumarka iyo ilbaxnimada qarnigan aduunku Ku jiro.

Gaba gabadii Jaamacadaha kale ee Dalka iyo Guud ahaan Goobaha waxbarasho ayaa laga rabaa inay sameeyaan Talaabooyinka Noocan ah si bulshada Reer somaliland dhexdooda loogu beero Isdhex gal bulsho oo Ka baxsan Qabyaalada iyo Gobalaysa balse salka Ku haya wadaniyada iyo somalilandnimo .

XIGASHO; Herer media

Exit mobile version