“Madaxweynihii Dalkii Wuu ku Ballaadhay, Oo In Yar Oo Uu Maamuli Karo Ayuu Kala Soo Hadhay!” Abwaan Xasan Daahir Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweynihii Dalkii Wuu ku Ballaadhay, Oo In Yar Oo Uu Maamuli Karo Ayuu Kala Soo Hadhay!” Abwaan Xasan Daahir Weedhsame.
January 23, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) Oo kamid ah Hal Abuurka Somaliland ee wakhtigan sida wayn looga wada yaqaano Gayiga somalida ayaa fariin kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxu ku sheegay in madaxwaynaha jsl oo ku baaladhay dalkii islamarkaana uu la soo hadhay inyar oo uu maamuli karo, Isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu Yidhi;

“Madaxweynihii Dalkii Wuu ku Ballaadhay Oo In Yar Oo Uu Maamuli Karo Ayuu Kala Soo Hadhay!!!”Abwaan Xasan Daahir ismaaciil Weedhsame.

Hadal abwaan Weedhsame ayaa ku soo beegmaya xili xaalado cakirani ka taagan yihiin gobolka sool gaar ahaan magaalada laascanood taasi oo wali aanay xukuumada Somaliland keenin xal lagu dajiyo arimaha ka tagaan, iyadoo maalmahan ay kusoo qulqulayaan badi garaadada gobolka sool oo shir ay aayahooga kaga tashanayaan ku qabanaya kaasi oo aan la suuray Karin waxa kazoo bixi doono iyo saamaynta uu ku yeelan doono wada jirka shacabka Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS