“Madaxwaynaha Waxaan ku Leeyahay Umaddii Aad Udirsatay Gobolka Gabiley Caqligoogii Wakaa”Siyaasi Bookh! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxwaynaha Waxaan ku Leeyahay Umaddii Aad Udirsatay Gobolka Gabiley Caqligoogii Wakaa”Siyaasi Bookh!
January 23, 2023 - Written by Editor:

“Wasiirku Habeen Dhawayd Haragysa Ayuu Casuumad ugu Sameeyay Ciyaartoyga, Bal Sheega Marka Ay Casuumadii Midna Xaaraan Noqotay Midna Xalaal”Siyaasi Bookh.

“Iskuduwihii wuxuu igu yidhi; Wasiirkii iyo Maayarkii Waxay Igu Yidhaahdeen Yaan La Tagin Casho Shartaa Bookh”Siyaasi Maxamed Bookh.

GABILEY(W,N)-Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada Iyo Degmooyinka ee xisbiga Waddani Maxamed cabdilaahi Jaamac Bookh ayaa si adag uga hadlay casuumad uu uu usameeyay labadii kooxood ee gobolka gabiley uga qaybgalay tartanka koobka horyaalka horyaalada Somaliland oo ay ka joojiyeen masuuliyiinta xukuumada umatala gobolka gabiley taasi oo caawa ahayd kadib markii ay dhalinyarada ku wargaliyeen in aanay tagi casuumada bookh cidii tagtana laga jarayo mushaharka.

Sidoo kale siyaasi bookh ayaa madaxwayne biixi ku wargaliyay in masuuliyiintii uu ugobolka usoo dirtay marayaan in ay bulshada kala qaybiyaan isagoo ka digay in ay ka dhalan karto xaalada maanta ka taagan laascanood.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS