DAAWO;-Dadwaynaha Xaafada 31may Ee Magaalada Hargaysa Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Shirkada Sompower Oo Jarjartay Xadhkaha Laydhkii Ugu Jiray Iyo Khatarta Ay Galisay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Dadwaynaha Xaafada 31may Ee Magaalada Hargaysa Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Shirkada Sompower Oo Jarjartay Xadhkaha Laydhkii Ugu Jiray Iyo Khatarta Ay Galisay!
January 24, 2023 - Written by Editor:

“Shalay Duhurkii Ayuunbaanu Ku Baraarugnay Xadhkihii Laydhkii Noogu Jiray Oo Ay Sompower Jarjaroyso, Xalayna Madow Ayaanu Uhoyanay, Guryihii Ayaa Naga Guban Gaadhay, Wixii Talaagadaha Noogu Jirayna Waynaga Xumaadeen”Dadwaynaha Xaafada 31May.

LAYDHKAYAGA SOMPOWER OO CIIDAN WATA AYAA JARJARTAY WAXAY NAGU LEEDAHAYNA MAJIRO”

HARGAYSA(W,N)-Qaarkamid ah Dadwaynaha ku dhaqan xaafadaha degmada  31may ee magaalada hargaysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay shirkada sompower oo halis nafeed iyo mid hantiyeedba galisay kadib markii ay jarjartay xadhkaha laydhka ubaxa xaafadan ee shirkada indha birta.

Dadwaynaha ayaa sheegay in sompower dhib wayn ugaysatay kuna gubi gaadhay guryaha iyadoo googaysatay xadhkaha laydhkii ubaxayay islamarkaana talaagadaha kaga xumaadeen wixii ugu jiray ee hilib iyo khudaarba lahaa.

Dhanka kale dadwaynaha xaafadan ayaa xukuumada ugu baaqay in ay kasoo gaadho shirkadan oo xataa xaafada aanu bixin laydhkeedu balse tacadi iyo xadgudub kula kacday.

Bulshadan ku dhaqan xaafada 31may ayaa waxaa ubaxa laydhka shirkada national indha birta iyadoo shirkada sompower tirada dhawr jeer ay duulaan ku qaaday xadhkaha laydhka shirkada indha birta kuwaasi oo ay  gaadhsiiyeen khasaare balaadhan halka ay halis galisay guryo iyo dadka nafahoogaba,wallow xukuumadu aanay wali wax talaabo ka qaadan sobobta shirkada sompower ku kalifay in ay  weerarto shirkad kale laydhkeeda .

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS