Haayada Caymiska Somaliland Oo Heshiish La Gashay Jaamacad Ku Taala Dalka Malaysia Iyo Arimaha Ay Ka Wada Shaqayn Doonaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haayada Caymiska Somaliland Oo Heshiish La Gashay Jaamacad Ku Taala Dalka Malaysia Iyo Arimaha Ay Ka Wada Shaqayn Doonaan!
January 27, 2023 - Written by Editor:

Kuala Lumpur(W,N)- Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland iyo Jaamacadda Aduunka ugu Horaysa Culuumta Maaliyadda Islaamka ee INCEIF ayaa heshiis hordhac (Is-af-garad) ah kula yeeshay xarunta INCEIF ee Magaalada Kuala Lumpur Ee Dalka Malaysia.

Agaasimaha Guud Hay’adda Qaranka Somaliland Abdirahman Muse iyo Agaasimaha Waaxda Kormeerka Shirkadaha Caymiska Somaliland Axmed Kaahin ayaa Heshiiska hordhaca ah la yeeshay Jaamacadda caalamiga ee INCEIF, heshiiska labada dhinac ayaa daaranaa sadex qodob oo kala ah,

1;Furitaanka Xarunta imtixaanka INCEIF ee Somaliland, Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland iyo Jaamacadda INCEIF ayaa ku heshiiyey in ay Jaamacaddu xarun imtixaan ay ka furato JSL taas oo ardayda reer Somaliland ee hadda jaamacadda ku dhigata habka online ah u sahleysa in ay Somaliland ku galaan imtixaanadooda, sidoo kale dhamaan ardayda danaynasa inay jaamacadda bilaabaan ay fursad u tahay.

FG: Ciddii danaynaysa inay waxka barato jaamacada INCEIF waxay la soo xidhiidhi doonta Hay’adda.

2;Tababaro la xidhiidha caymiska islaamiga ah iyo adeegyada maaliyadeed islaamiga ah, Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland iyo Jaamacadda Caalamiga ah ee INCEIF waxa ay ku heshiiyeen sidii jaamacadu tababaro u siin lahayd caymiska Somaliland iyo hay’addaha kale ee maaliyadeed, heshiiskan ayaa ka qayb qaadan doona kobcinta aqoonta iyo xirafadaha la xidhiidha adeegyada maaliyadeed.

III. Fududaynta daneeyayaasha PhD ee jaamcadda INCEIF, Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland iyo Jaamacadda Caalamiga ah ee INCEIF waxa ay ku heshiiyeen sidii loogu fududayn lahaa daneeyayaasha reer Somaliland ee raba in ay jaamcadda INCEIF ka diyaariyaan shahaadada PhD Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland na ay u ururin lahayd daneeyayaasha raba in ay PhD ka diyariyaan Jaamacadda INCEIF.

Hay’adda Caymiska Qaranka Somaliland waxa ay dedaal dheer u galeysaa sidii loo kobcin lahaa aqoonta iyo xirfadda caymiska iyo guud ahaan aqoonta maaliyadda Islaamka.

COMMENTS
LINKS