WAJAALE NEWS

Xuduudaha Afrika Ee Laga Dhaxlay Gumaysigii Reer Yurub Lama Bedeli karo!

KU: MADAXDA DHAQANKA EE BEESHA DHULBAHANTE

TO: DHULBAHANTE TRIBE TRADITIONAL LEADERS

UJEEDO: XUDUUDAHA AFRIKA EE LAGA DHAXLAY GUMAYSIGII REER YURUB LAMA BEDELIKARO

Xuduudaha Afrika, sida kuwa Dunida Carabta, Aasiya iyo Koonfur Ameerika, waxaa wada jeexay gumaystayaashii Reer Yurub waxayna ku salaysanyihiin dhulka, kuma salaysna qabiil, abtirsiimo ama isir. Qabaa’il badan oo Afrikaan ah ayaa qabiilkasta kala deganyahay dhawr dal oo Afrikaan ah taas oo ku salaysan qaabkii gumaysigu u jeexay xuduudaha sida qabiilka Canfarta oo kala degan Ethiopia, Eritera, iyo Djibouti, qabiilka Tuareg oo kala degan Senegal, Nigeria, Mali, Niger iwm, qabiilka Fulani oo kala degan Mali, Nigeria, Niger, Chad, Cameroon, qabiilka Lunda oo kala degan Congo, Zambia iyo Angola iwm. Shirkii Qaaradda Afrika ee la qabtay 1964 ayaa soo saaray Baaq caddaynaya inaan xuduudaha Afrika ee gumaysigu jeexay la bedelikarin si Qaaradu uga nabadgasho qabaa’il isku daya inay midoobaan gumaysigii kadib taas oo Qaarada Afrika u horseedilahayd fawdo iyo dagaalo qabaa’il oo aan dhammaan laguna hoobto, dumiyana dawladaha Qaaradda Afrika.

Jiritaanka, nabadgelyada iyo deganaanshaha Qaaradda Afrika waxay ku xidhantahay ixtiraamidda, aqoonsiga iyo ilaalinta xuduudihii gumaysiga. Xuduudaha gumaysiga ayaa qeexaya dhulka, dadka, gobonimada iyo aqoonsiga dalkasta oo Afrikaan ah. Sida dawladda Somaliland aanay u sheegankarin dhulka Isaaqa, Dhulbahantaha iyo Samaroonka ee ka tirsan Itoobiya ayaan dawlad kale ama maamul kale u sheegankarin Beelaha dega Somaliland iyo dhulkooda hayb ahaan ama isir ahaan.

Kooxo qabaa’il oo hubaysan ayaa hadda ka hor isku dayay inay qabiilkooda mideeyaan xornimadii kadib waana ku wada fashilmeen sababta oo ah ma jirto dawlad oggol ama aqbalaysa in la kala gooyo ama la kala qaybiyo dhulkeeda iyo xuduudaha gumaysiga oo ah sharci ahaan caalamku aqoonsanyahay oo aan la bedelikarin. Dhulka Somaliland lama kala goynkaro, Xuduudaha Somaaliland ee laga dhaxlay Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland lama bedelikaro.

SUBJECT: AFRICAN COLONIAL BORDERS INHERITED FROM EUROPEAN COLONIZERS ARE UNCHANGEABLE

African colonial borders, like Arab World, Asia and South American colonial borders, were all drawn by European colonialism and are based on land and not on tribe or clan lineage, and subclans of the same clan inhabit in different African countries due to colonial demarcations like Afar Tribe inhabiting in Ethiopia, Eritrea, and Djabouti, Tuareg Tribe inhabiting in Senegal, Nigeria, Mali, Niger, Fulani Tribe inhabiting in Mali, Nigeria, Chad and Cameroon, Lunda Tribe inhabiting in Congo, Zambia and Angola etc. That is why the Declaration of African Conference in 1964 of Reaffirming Colonial Borders was iissued to protect African colonial borders in order to prevent tribal wars seeking postcolonial reunifications that would plunge the whole continent of Africa into endless violence, anarchy, chaos and tribal bloody wars.

Existence, peace and stability of Africa depend on respecting, recognizing and implementing colonial borders and they are unalterable. Tribal armed factions tried before to change African colonial borders to unite their clan or tribe after independence but all ended in failure because no country accepts to divide its territory as colonial borders are internationally legitimate.

As Somaliland government cannot claim Isaaq, Dhulbahante and Samaroon tribes and their land in Ethiopia for tribal lineage reasons, no other country can claim the tribes inhabiting in Somaliland and their land for tribal lineage reasons or living within the colonial borders of Somaliland. Somaliland territory cannot be divided and its colonial borders inherited from Somaliland British Protectorate cannot be altered.

QALINKII; Ibrahim Hassan Gagale

 

Exit mobile version