WAJAALE NEWS

π™π™π™π™Žπ™ƒπ™†π˜Ό π™Šπ™Š π™Žπ™„ π™π˜Όπ™Žπ™ˆπ™„ π˜Όπ™ƒ π™π™‚π˜Ό π™Œπ˜Όπ™”π˜½ π™‰π™Šπ™Œπ™Šπ™‰π˜Όπ™”π˜Ό π˜Ώπ˜Όπ™‰π˜Όπ™”π™‰π™π˜Ό π™‚π™€π™€π™Žπ™†π˜Ό π˜Όπ™π™π™„π˜Ύπ˜Ό π™„π™”π™Š π™‚π™π™π˜Ώ π˜Όπ™ƒπ˜Όπ˜Όπ™‰ π™Œπ˜Όπ˜Όπ™π˜Όπ˜Ώπ˜Ό π˜Όπ™π™π™„π˜Ύπ˜Ό!.

Waxa socda kala hororsiga danaynta dalalka Africa ee Quwadaha aduunka ku hirdamayaa ugu soo baratamayaan Qaarada cagaaran oo noqotay halka aduunku ku kala badinayo .

Africa waxa loo danaynayaa arimahani hoos ku xusan ee kala ah ;

1;Dhaqaale,Β  waa qaarad dihin oo khayraadkeedu buuxo oo la rabo in laga faaiideysto xili aduunka uu ka taagan yahay culeys dhaqaale oo weyn.

Β 

2- Ganacsi , waa qaarad aan wax soosaar iyo warshado lahayn oo aduunka u ah saylad iyo suuqa ugu weyn ee ganacsiga oo ay ku loolamayaan dunida galbeedka iyo barigu.

3- Siyaasad , Africa waxa ay noqotay cudud iyo cod qiimo leh oo golayaasha caalamku u dhan yahay cidii cilaaqaad wanaagsan la yeelataa cod badan siin kara .

4- Ciidan , Africa waxa ay ku jirtaa cahdi dib dalwaliba ciidamadiisa badda iyo beriga u adkaynayo oo hub iyo khubaro military ba aduunka uga baahan oo cidii u hagar baxda abaalkeega u gudi doonta.

Haddaba laga soo bilaabo dagaalkii Ukraine dadweynaha Ruushku waxa uu tamar badan galiyey in uu qaarada Africa kasbado waxaana 6 bilood ka hor dalal badan oo Africa ah ku maray wafti culus oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee Russia Sergey Lavrov.

Waxaa xigey safar dunida reer galbeedku ka qayliyeen oo wafti balaadhan oo Russia ahi ku marayaan dalal Africa ah oo uu ka mid yihiin, South Africa, Angola iyo Erateria.

Waxaana la filayaa in dawlada Russia, China iyo South Africa ay dhoolatus ciidamada ah ku soo bandhigayaan badweynta koonfur Africa , waxaana arinkani culeys weyn kala kulmay dalka koonfur Africa oo wadamo qaarada Europe ah iyo US ay cambaareeyeen kulankooga , inkasta oo koonfur Africa si wanaagsan isku difaacday.

Waxaa xataa wasiir Germany u qaabilsan arimaha dibadu in uu kulan ka mid ah saarey farshaxan xayawaan ( Animal Emoji ) oo aad saxaafada aduunku u qaadaa dhigeysay dawladaha Africa na aad uga cadheysiiyey.

RUSSIA IYO GEESKA AFRICA

Dawlada Ruushku waxa ay sanadkii 2019 xidhiidh wanaagsan oo dhinacyo badan la yeelatay dalka Ethiopia oo xiligaasi ay haysteen duufaanada dawladaha reer galbeedka ee diidanaa dagaalkii Tigray iyo Dawlada Ethiopia.

Waxa ka mid ah arimaha Ethiopia iyo Russia ku heshiiyeen dhismaha ciidamada oo ciidamo badeed oo Ethiopia yeelataa kow ka yihiin , kuwaasi oo hawshoodii mar horeba la bilaabay oo Ethiopia wax badan ka caawiyey.

Β 

Waxaa xigey kulanka Erateria iyo Russia ee todobaadkii hore Asmara ku dhex maray dawlada Erateria iyo Ruushka ( Russian federation) oo la iskula gartay in ay tahay arin aad loogu baahnaa , hore ayuu ruushku saldhig ciidamada ah uga xaadh-xaadhay Erateria hadana waxa la isla gartay in uu dhinacwalba ka taageero.

Wasiirka arimaha dibada ruushka Sergey Lavrov oo arinkaasi si faah-faahsan uga hadlay ayaa sheegay in Geeska Africa muhiim u yahay dawlada Ruushka oo uu horena uga qayb qaatay xaaladihii gobolka ka taagnaa ee Tigray iyo Ethiopia haddana uu qayb weyn ka qaadanayo.

Lavrov waxa uu si cad u sheegay in aan loo baahnayn duni dhinac ka raran oo reer galbeedku rabitaankooga ku hogaamiyaan , waxaa la gaadhay xiligii la isku kaashan lahaa ayuu yidhi inaga oo ixtiraamaynaa dhamaan shuruucda caalamiga ah ee qaramada midoobay ( UN ) , kuwa Africa ( AU) iyo dhamaan xeerarka caalamiga ah.

Isku soo wada xoori waxa muuqda in Africa aan laga maarmayn oo Geeska AfricaΒ  ugu sii muhiimsan yahay , arimahani waxa ay ku soo beegmeen xili ay dawlada maraykanku Berbera sheegeen in lagu sameynayo dhoolatus maraykanka ( US ) iyo saaxabadiisa Africa ah oo ilaa todoba dal noqonaya bisha February dhexdeeda.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama β€œM. Dhimbiil”

Exit mobile version