MAXAY TAHAY DANAHA QABIIL EE LAGU KICIYAY BEESHA DHULBAHANTE EE SOMALILAND? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MAXAY TAHAY DANAHA QABIIL EE LAGU KICIYAY BEESHA DHULBAHANTE EE SOMALILAND?
February 13, 2023 - Written by Editor:

Waxaa muuqata in Beesha Daarood ee wax ka degta Somalia ay soo wajahday cabsi iyo werwer siyaasadeed oo ah in Beesha Hawiye ku leedahay Somalia 3 maamul-goboleed (Galmudug, Hir/Shabeelle iyo Gobolka Banaadir) halka Beesha Daaroodna ku leedahay 2 maamul-goboleed (Puntland Iyo Jubbaland) inkasta oo ay hadda Jubbalaland maamusho beel lagaga tiro badan yahay Jubbooyinka oo ay wadaagaan beelo aad u badan oo Somaliyeed. Sida la sheegay maamulkaasu wuxuu ku tiirsanyahay ciidan aan u dhalan Jubbooyinka Somalia balse laga keenay Jigjiga iyo Gaarisa. Goboladaas oo ah kuwa ugu qanisan Somalia waxaa suurtogal ah inay gacanta u soo gasho beelaha goboladaas u badan mustaqbalka.

Waxaa suurtogal ah markaas in Beesha Daarood is-tustay oo talo ku gaadhay in Sool, Sanaag iyo Cayn (Sida ay sheegato Beesha Dhulbahante) lagu soo daro dawladda Fadaraalka ah ee Somalia si loo dheellitiro awoodda siyaasadeed ee Beesha Hawiye ee Somalia mustaqbalka iyo in la burburiyo dawladnimada iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland taas oo u muuqata in lagu go’aamiyay Shirkii Beesha Dhulbahante loogu qabtay Jigjiga Bishii December 2022. Shirkaas waxaa qurba-joog iyo dal-joogba lagu heshiiyay in la kiciyo Beesha Dhulbahante ee Somaliland iyada oo la adeegsanayo qaar ka mid ah garaadada iyo suldaamada Beesha si loo fuliyo shirqoolkaas ku biiridda Somalia si loogu hortago awoodda Siyaasadeed ee Hawiyaha mustaqbalka.

Laakiin waxaad moodaa in Beesha Daarood aanay marnaba ka fekerin labo arrin oo fashilinaya shirqoolkooda oo aanay sinaba u hirgelayn siyaasadda Isbahaysiga Daarood kuwaas oo kala ah:-

(I) In Gobolka ugu weyn Somaliland oo ah Sanaag aanay Beesha Dhulbahante ku lahayn hal (1) maamul degmo. Cayn oo loola jeedo magaalada Caynaba waa magaalo ay leedahay Beesha Habarjeco oo weliba ay xagga Laascaanood ka sii xigto magaalada Oog oo iyadana leeyihiin Beelaha Habarjeclo iyo Sacad Yoonis, labadaas magaalo oo ka tirsan Gobolka Sool. Buuhoodle waa degmo waxaana hoos yimaada maamulka degmada Buuhoodle magaalada Buuhoodle oo ay Beesha Dhulbahante leedahay iyo magaalada Qorilugud oo ay ay Beesha Habarjeclo leedahay. Degmada Buuhoodle waxay hoos timaadaa Gobolka Togdheer ee Somaliland. Beesha Dhulbahante waxay degaan ahaan gaar u leedahay degmooyinka kala ah: Laascaanood (Oo ah magaalo-madaxda Gobolka Sool), Taleex iyo Xudun. Markaas ma jirto gobollo la dhaho Sool, Sanaag iyo Cayn oo ay gaar u leedahay Beesha Dhulbahante oo ku biirikara Somalia. Waa gobollo ka jira Baraha Bulshada iyo qoraalada waraaqaha, hal gobolna ma naqonkaro maamul-goboleed ka tirsan Somalia inkasta oo aanay marnaba aqbalayn Jamhuuriyadda Somaliland.

(II) Gobolka Sool waxaa uu ka tirsanyahay lana xuduudyahay Jamhuuriyadda Somaliland ee xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska Bishii June 26, 1960. Dawladda Somaliland marnaba ma aqbalayso in dhulka Somaliland la kala gooyo oo sida dalkasta oo kale waxay ka xigtaa dagaal. Gobol ka tirsan Somaliland kuma biirikaro Fadaraalka Somalia sababta ah waxay ka soo horjeedaa dawladnimada iyo qaranimada Somaliland iyo xuduudaha Afrika ee laga dhaxlay Gumaysigii Reer Yurub oo aan la taabankarin lana bedelikarin. Sool waxaa adduunku u aqoonsanyahay inay ka tirsantahay dhulka Somaliland xuduud ahaan. Xuduudaha Afrika ee laga dhexlay gumaysiga ayaa qeexa dhulka, dadka, gobonimada iyo aqoonsiga dalkasta oo Afrikaan ah. Adduunka waa wax caadi ah inay dalal midoobay kala noqdaan laakiin lama hayo beel ka tirsan dal oo iskudayda inay ku biirto dal kale sida garaadadu ku kaceen. Beesha Dhulbahante oo ka mid ah beelaha ugu waaeyn ee dalka Somlialand waxaa laga codsanaya inay nabadgelayada soo ceshaan isla markaana aaminaan dhulkooda, dadkooda iyo dawladnimadooda ee laga jecelyahay, wixii tabasho ah dawladooda Somaliland u bandhigaan.

W/Q;Ibrahim Hassan Gagale

 

COMMENTS
LINKS