“Waxaan Aad Uga Xumahay Khasaaraha Dagaalka Laas-caanood Kasoo Gaadhay Reer Somaliland Oo Dhan, Dhinaca Uu Doonaba Ha Ahaatee”Gudoomiye Kuxigeenka Ururka SPP. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaan Aad Uga Xumahay Khasaaraha Dagaalka Laas-caanood Kasoo Gaadhay Reer Somaliland Oo Dhan, Dhinaca Uu Doonaba Ha Ahaatee”Gudoomiye Kuxigeenka Ururka SPP.
February 26, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiye Kuxigeenka Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland Ee SPP garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi “Timo” Ayaa ka Hadlay xaalada dagaal Ee Maalmihii Udanbeeyay ka taagnayd Magaalo Madaxda Gobolka Sool Ee Laascanood isagoo Baaq nabadeed Udiray dhinacyada xukuumada Somaliland Iyo Madaxdhaqameedka Gobolka Sool. Isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi;

“Waxaan aad uga xumahay khasaaraha dagaalka laas-caanood ka soo gaadhay reer Somaliland oo dhan dhinaca uu doonaba ha ahaatee, waa arin qiiro leh oo dhibaato wayni inaga soo gaadhay.

Dagaalkana waxa sababay talo xumo wayn oo aan la dafirin karin kana timid dhinaca xukumada talada haysa.

Waxaan cod dheer ugu baaqaynaa dadka garashada wanaagsan, xukumada iyo dhamaystirka nabadoonada, garaadada, goleyaasha Qaranka JSL in nabad iyo wada hadal laga shaqeeyo, oo aan khasaaraha intaa la sii dhaafin lana kaantaroolo labada dhinaca.

Waxaan arkayaa haddii dagaalku sii socdo sida ay wax eegaanayaan nin dagaal ku faa’iidayaana ma jiro oo manta dhibta laas-caanood ka dhacday waynu aragnaa waar caqli ka wanaagsan kan hadda aynu wadno ayaa loo baahanyahay.

Waxa hadda inagu waajib ah dhamaan qof kasta oo caqli iyo garasho ku jirto in la bad baadiyo inaan dhiig danbe ka dhicine, oo dadka walaalaha ahna dhiigooda lakala bad-baadiyo oo aan riiq iyo colaad raagta la dhex dhigin.

Wada hadalka garaada iyo salaadiinta hala xoojiyo dowladuna ha u dhaga nuglaato baaqyada nabada iyo xoojinta wax kasta oo taageeraya in wada hadal iyo nabad lagu xaliyo arinka oo lagana hortago sidii aanu khasaare danbe u dhicin ,xukumaduna ha joojiso waxyaabaha lagu eedaynayo, hana ka waantowdo wax kasta oo ay dadka u arkayaan dhib ama kicinaya.

Ilaahay wixii dhintay ha u naxariisto,wixii dhaawac ahna ilaahay ha u booga dhayo.

Ilaahay dagaalka ha inaga qaboojiyo oo quluubteena ha isu soo dhaweeyo hana inagu guuleeyo soo afjarida colaada iyo dagaalka sokeeye manta inagu dhacay oo ah wax laga murugoodo.

Mohamed Mohamoud Hashi Gudoomiye ku xigeenka ururka Siyaasadeedka shacabka Somaliland (SPP)

COMMENTS
LINKS