WAJAALE NEWS

Dawlada Talyaaniga Oo Soo Badbaadisey 1,300 Qof Oo Muhaajiriin Ah.

ROMA(W,N)-Dowladda Talyaaniga ayaa soo badbaadisay 1,300 oo muhaajiriin ah kadib howlgal samatabixin ah oo laga fuliyey dhowr goobood oo ku yaalla Koonfurta Talyaaniga.

Laba todobaad ka hor ayay aheyd markii ay 74 qof ku dhinteen doon ku qaraqantay xeebaha wadankaasi.

In ka badan 17,000 oo qof ayaa gaadhay Talyaaniga ilaa iyo hadda sanadkan, kuwaas oo ay ku jiraan ku dhawaad 4,000 oo toddobaadkan gaadhay halkaasi.

Boqolaal ayaa sidoo kale ku geeriyooday iyagoo isku dayayay inay ka soo gudbaan badda Mediterranean-ka oo ay gaadhaan Yurub.

Exit mobile version