WAJAALE NEWS

Hawlaha Laas-caanood Iyo Arimaha Somaliland Gudaheegu Ha Inoo Dambeeyeen E, Halkee Uu Ku Dambeeyay Wadahadaladii Somaliland & Somalia?

Wadahadaladii ka dambeeyay Xukuumadii Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaaminayey iyo Xukuumadii Axmed Siilaanyo wax natiijo ahi kama soo bixin waxii lagu heshiiyeyna lama fulinin.

Ee aynu ku noqono bal taariikhda wadahadaladii ka horeeyey xukuumada Biixi iyo tii Farmaajo ee dhacday halka wax inoo marayeen , cida ka baxday ama jabisay waxii lagu heshiiyey iyo sida ay ku istaageen.

Wadahadaladu waxa ay soo bilaabmeen sanadkii 2012 oo shirkii London qodobadii ka soo baxay ee 26 qodob ahaa uu qodobka 6aad ahaa wadahadalada jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka soomaaliya.

 

Kulankii koowaad waxa uu ka qabsoomay dalka imaaraatka carabta UAE oo lagu heshiiyey in la bilaabo wadahadalo 28 June 2012 waxaana halkaasi ku kala saxeexday heshiis labadii madaxweyne ee Axmed Siilaanyo iyo Shariif sheekh Axmed.

Waxaa xigey sadex kulan oo lagu qabtay dalka Turkey oo lagu heshiiyey heshiisyo iyo qodobo muhiim ahaa mudadii u dhaxaysay 2013 ilaa 2014 , wadahadaladii ayaa hakad galay mudo hal sano ah markii la isku maandhaafay qodobadii hore loogu heshiiyey.

Waxaa dalka Djibouti kulan ugu qabtay Somaliland iyo Somalia madaxweynaha Djibouti 21 Dec 2014 si loo sii wado wadahadaladii labada dhinac ee ka socday dalka Turkey waxaana la isla qaatay in la sii wada iyo kulanka kan xigaa in uu noqdo 26 February 2015 iyo Ankara.

Haddaba maxaa dhacay ?

Wadahadaladii la soo waday waxa ay lahaayeen waxyaabo ka reeban si aan wadahadaladu carqalad u galin waxaana ka mid ahaa in aan dadka Somaliland ka soo jeeda ee sida shakhsiga ah uga mid ah dawlada federalka soomaaliya in aan lagu soo darin wadahadalada.

Dışişleri Bakanı Ahmet Davutoğlu, Conrad Otel’de, Somali ve Somaliland’dan bakan düzeyindeki heyetleri kabul etti. (Anadolu Ajansı – İslam Yakut)

Xukuumadii uu hogaaminayey Xasan Sheekh oo xiligaasi wadahadalada midhahoogii hore guratay oo caalamku dhaqaale , aqoonsi dawladeed iyo maamuus sareba siiyey ayaa u muuqatay in aaney wadahadalada danaynaynin si ay u carqaladeeyaan waxa ay dalka Turkey u soo direen wafti ay ka mid yihiin wasiiro Somaliland ka soo jeeda oo kala ahaa Maareeye iyo Jangali .

Sidaasi ayuu ku fashilmay wadahadaladii isla markaana 1 March 2015 lagu xaqiijiyey in uu kulankaasi suuragali waayey ka dib markii la isku maandhaafay xubnaha kulmaya ee shirkaasi ka qayb galayey, tanaasulna iman waayey.

Halkaasi isaga oo xaal marayo ayuu jamhuuriyada Somaliland ka bilaabmay loolan siyaasadeed oo hogaaminta xisbiga kulmiye la isku hayey oo keenay rabshado iyo deganaasho la’aan weyn oo siyaasadeed kaasi oo sababay in xukuumada xubnihii ugu badnaa is casilaan.

Dhinaca kale xukuumadii xasan Sheekh oo xiligu ka gabaabsi ahaa ayaa laga rabay diyaarinta dooroshooyin mudeysnaa 2016 oo laftoodu mashquul ku noqday arimahaasi.

Doorashooyinkii soomaaliya waxaa ku soo baxay Farmaajo 2017 oo ka duwanaa sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale si dhab ah uga soo horjeeday jamhuuriyada Somaliland.

Dhinaca kale waxaa isaguna soo baxay Muuse Biixi 2017 bishii ugu dambaysay oo meel adag iska taagay wadahadalada iyo wax wadayeelasho dambe oo soomaaliya dhexmara sidaasi ayey ku hakadeen .

Suuragal ma tahay in Xasan Sheekh oo maalmihii la doortay sheegay in wadahadalada jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Federalka Somalia muhiim yihiin in la wada hadlo sanadkan gudihiisa ?

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “Mohamed Dhimbiil”

Exit mobile version