Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo Oo Hargaysa Ku Geeriyooday! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo Oo Hargaysa Ku Geeriyooday!
April 3, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha jsl oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray qoyskii Iyo Shacabka uu ka Baxay wasiirkii Hore Ee wasaarada Warfaafinta Marxuum cabdiraxmaan Guri Barwaaqo oo Maanta Hargaysa ku Geeriyooday.

TACSI MADAXWEYNE: 03/04/2023.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, bahda dhaqanka, bahda qoraalka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Marxuum Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-Barwaaqo) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 03/04/2023, Caasimada Somaliland Ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyey Oday dhaqanyaqaan ah oo taariikhyahana, bugaag badana ku qoray afaf kala duwan, kaalin muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana baxay dalka iyo dadkaba.

Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda dhaqanka, bahda qoraalka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

COMMENTS
LINKS