Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyskii Iyo Bahda Aqoonyahanka Ee Uu Ka Baxay Marxuum Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyskii Iyo Bahda Aqoonyahanka Ee Uu Ka Baxay Marxuum Cabdiraxmaan Guri Barwaaqo.
April 3, 2023 - Written by Editor:

DHAMBAAL TACSI AH:

 

INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, bahda qoraalka, aqoonyahanka iyo Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay, AHN Wasiirkii hore ee Warfaafinta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), oo maanta galabtii ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay aqoonyahan kayd badan uga tagay jiilalka danbe, isla markaana kaalin mug leh kasoo qaatay horumarinta tacliinta iyo dib-u-dhiska dalka JSL.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, bahda qoraalka, aqoonyahanka iyo shacbiga Somalilana ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

AAMIIN     AAMIIN   AAMIIN

COMMENTS
LINKS