Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Prof Ismaaciil Hure Buubaa Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Prof Ismaaciil Hure Buubaa Oo Ku Geeriyooday Dalka Turkiga.
April 5, 2023 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 05/04/2023.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ku geeriyooday Dalka Turkiga maanta oo ay taariikhdu tahay 05/04/2023.

Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyey oday siyaasi ah oo xilal kala duwana ka soo qabtay Ururkii SNM, xukuumaddii Madaxweyne AHU Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)na ka soo noqday Wasiirkii Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena soo qabtay mansabyo siyaasiya oo kala duwan.

Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

 

 

COMMENTS
LINKS