WAJAALE NEWS

π™“π˜Όπ™‡ π™‡π˜Όπ™‚π˜Όπ™‚π˜Ό π™‚π™π˜Ώπ˜½π˜Όπ™”π™Š π™“π˜Όπ˜Όπ™‡π˜Όπ˜Ώπ˜Όπ™ƒπ˜Ό π˜Ώπ˜Όπ™‡π™†π™ 𝙆𝙐 π™…π™„π™π™Š π™“π™„π™‡π™„π™‚π˜Όπ™‰π™„ π™Žπ™„π˜Ώπ˜Όπ˜Ό π™‡π˜Όπ˜Όπ™Ž-π˜Ύπ˜Όπ˜Όπ™‰π™Šπ™Šπ˜Ώ π™„π™”π™Š π˜Ώπ™Šπ™Šπ™π˜Όπ™Žπ™ƒπ™Šπ™Šπ™”π™„π™‰π™†π˜Ό!

Dalka jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku jirey sanadkii ugu dambeeyay buuq siyaasadeed ( political turbulence) sababay isku dhacyo ciidamada amaanka iyo dad shacab ah oo sababay khasaareyaal badan oo dhimasho nafeed iyo dhaawacyoba lahaa.

Arimahani oo salka ku haya gabaabsiga ama dhamaadkii mudo xileedkii dastuuriga ahaa ee la doortay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland, dhicistii liisamada axsaabta qaranka, furistii ururada siyaasada oo ahaa xuquuq dastuuri ah iyo dib u dhacyo ku yimid doorashooyinkii dalka.

Waxa soo raacay dagaal lagu soo qaaday dalka jamhuuriyada Somaliland iyada oo lagu soo gabanayo qaybo ka mid ah dadka jamhuuriyada Somaliland oo taagnaa mudo sadex bilood ah .

Dagaalkaasi oo sababay barakac dad ka badan 150,000 qof , dhimashooyin iyo dhaawacyo soo kala gaadhay ciidamada qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo kooxaha duulimaadka ku ah qaranimada jamhuuriyada Somaliland oo badhkood la soo qalday.

Waxaa qasab ah in qaranku u baahan yahay in xaaladaha taagan deg-deg wax la isaga weydiiyo oo qaranka jamhuuriyada Somaliland go’aan mideysan ka qaato .

Haddaba waxa aan u arkaa hadii 4 tan qodob iyo talooyinka la socda la helo in dalku wax badan ka badbaadayo oo deg-deg looga baxayo waxa taagan iyo xaaladaha dalku ku sugan yahay;

1- Dedejinta doorashooyinkii dalka oo ay axsaabta mucaaridka ah iyo ururada siyaasaduba sheegeen in ay diyaar u yihiin .

2- kulan goleyaasha baarlamaanka iyo xukuumada ah oo la isku xog wareysto , go’aana lagaga qaato sharci oo mideysan waxa laga yeelayo Laas-caanood iyo sida loo waajahayo.

3- Shacab , dawlad , mucaarid iyo muxaafid in meel looga soo wadajeesto difaaca qaranka.

4- Qorshe deg-deg ah in loo sameeyo taakulada dadkii Laas-caanood ka barakacay , sidoo kale waa in magaaladii Laas-caanood laga badbaadiyaa gabood iyo furin dagaal si dadkii ugu noqdaan.

Si haddaba loo helo is faham doorashooyinka lagu galo waa in komishanka doorashooyinka qaranku soo saaraan jadwalkii doorashooyinka.

Sidoo kale madaxda axsaabta siyaasada mudadoodu dhamaatay iyo ururada siyaasada ee cusubi waa in ay bilaabaan is xod-xodasho siyaasadeed si tirada ururada iyo axsaabta kumeelgaadhka ah ee doorashooyinka galayaa u soo koobmaan.

Ugu dambayn madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland waa in aanu go’aanka xaaladaha dagaalka Laas-caanood waa in aanu ku kali noqonin,Β  ee waa in uu deg-deg u geeyaa goleyaasha xeer dejinta , si looga badbaado wax badan oo in koobani gaadhi karto ama go’aansan karto , iyo waxii ka dhasha halkaasi in aanu noqon wax aanu qaranku ka mideysnayn.

QALINKI; Mohamed Abdi Jama β€œM. Dhimbiil”

Exit mobile version