WAJAALE NEWS

Ma Dal Qabiil Ayaa La Rabaa In Laga Dhex-dhiso Somaliland Iyo Somalia?

Waxaa la sameeyay guddi qabiil oo loo yaqaan G21, gudidaas oo la aaminsanyahay in yoolkoodu ama ujeedadoodu tahay in la abuuro dal iyo dawlad qabiil oo ka kooban: Puntland, Sool iyo Buuhoodle. Si arintaasu u hirgasho, waxay gudida G21 qaadeen dhawr tallaabo oo hordhac u ah abuuridda dal qabiil oo aan ku ool khariidada Caalamka, kuwaas oo kala ah:

⁃In xiisad laga dhex-abuuro Federaalka Somalia iyo maamulka Puntland si Puntland xidhiidhka ugu goyso Fadaraalka Somalia

⁃In madaxda dhaqanka ee Beesha Dhulbahante shir loogu qabto magaalada Jigjiga, shirkaas oo la qabtay badhtamihii December 2022 lagana soo saaray go’aamo diyaarsan oo dagaal laga aloosayo Laascaanood si Sool iyo Buuhoodle looga gooyo Somaliland.

⁃In Beesha Guud loo diyaariyo ka qaybgalka dagaalka Laascaanood si looga jaro Somaliland kuwaas oo loo bixiyay “HUWAN,” kana kooban: Ciidamada Puntland, ciidamada qabiilka ee ka tirsanaa ciidamada Fadaraalka Somalia, gurmadyada qabiilka oo ka kala yimid: Somalia, Somaliland, Kililka 5aad ee Itoobiya iyo N.F.D Kenya iyo kooxaha argagixisada ah.

⁃Dabadeedna la abuuro dal iyo dawlad qabiil oo u dhaxaysa Somalia iyo Somaliland

Sidaan kor ku xusan, ujeedada laga leeyahay in Maamulka Puntland u jaro xidhiidhka Fadaraalka Somalia, dagaal laga alooso Laascaanood, gurmadyo qabyaaladaysan ee Beesha Guud laga keeno Somalida degan Geeska Afrika iyo argagixisada waxa weeye in dal iyo dawlad qabiil laga dhex-sameeyo Somalia iyo Somaliland iyada oo kooxda G21 ee Beesha Guud u muuqato inay iska dhaadhicisay, beeshoodana ku wacyigelisay inaanay waxba ku lahayn xukuumadaha ka jira Somalia iyo Somaliland una nisbeeyaan reero gaar ah, taas oo runtii aan sal iyo raadtoona lahayn.

Siyaasadda kooxda G21 waxaa muuqata inay kala fogeynayaan Somalida ku nool Geeska Afrika, waxaana hormood u ah madaxweynihii hore ee Somalia, Mohamed Adbullahi Farmaajo, oo liqiwaayay guuldaradii ku dhacday markii looga adkaaday doorashadii dimoqaraadiga ahayd ee madaxweynaha ee ka dhacday Somalia Bishii May 2022 oo burburisay qorshoyaal dhagaraysnaa oo uu la galay Itoobiya iyo Eritrea sannadkii 2018, hadana isaga iyo Siyaasiyiinta Beesha Guud ay ula muuqatay inay abuurikaraan dal iyo dawlad qabiil lagu burburinayo Somalia iyo Somaliland taas oo aan marnaba suurtogal ahayn.

Somalia kama yeelayso Maamulka Puntland in dhulka Majeerteenia ee Puntland oo xuduudii Talyaaniga ay wadaagaan kana tirsan Somalia laga gooyo Somalia. Somaliland ka yeelimayso garaadada Dhulbahante in dhulka Sool iyo Buuhoodle oo ka tirsan dhulka Somaliland oo ay wadaagaan xuduudii Ingiriiska laga gooyo Somaliland sababta oo ah ma jiro dal aqbalaya in dhulkiisa la kala gooyo, xuduudiisana lagu xad-gudbo. Xuduudihii gumaysiga ee Afrika lama bedelikaro maadaama ay dalkasta qeexayaan baaxadda dhulkiisa, dadkiisa iyo qaranimadiisa. Sidaas daraadeed, dal iyo dawlad qabiil oo ku salaysan xad qabiil lagama dhex-abuurikaro Somalia iyo Somaliland.

QALINKII; IBRAHIM XASAN

Exit mobile version