WAJAALE NEWS

Cunno Yaraanta Iyo Culeyska Dhaqaaluhu Ma Wax Somaliland Ugaar Ah Baa?

Hay’ada cunada aduunka ee Wfp waxa ay ku qortey bogeega in uu sanadkani 2023 dadka cuno yaraanta iyo nafaqo daradu soo foodsaari doonto aduunku  lagu qiyaasay 354.2 million oo qof oo labanlaab ka badan xadigii ay ahayd sanadkii 2020 waxii ka horeeyey saameyntii xanuunkii covid19.

In ka badan 900,000 kun oo qof ayaa la daalaa dhacaya macaluul daran taasi oo toban goor ka badan intii ay ahayd shan sanadood ka hor , waxaa kuu muuqanaya in aduunku uu sii xumaanayo.

Waxa warbixinta lagu sheegay in aanay bulshada caalamku ku guul dareysan doonin hiigsiga cidhib tirka gaajada iyo cunoyaraanta aduunka ee sanadka 2030.

Colaadaha , isbadelka cimilada , kor u kaca maceeshada , arimahani oo is biirsaday ayaa abuuray cuno yaraan iyo macaluul aan aduunka hore loogu arag oo lagu qiyaasay 828 million qof hadii ay mar wax cunaan sadexda wakhti aanay hubin wajhtiga xiga in ay helayaan cuno.

DHINACA DHAQAALAHA ADUUNKA.

Guud ahaan aduunka waxa ka taagan xaalado dhaqaale yari oo laga dareemayo dalwaliba arimahani oo ay sabab u yihiin colaadaha aduunka ku huraya ee sida Ukraine iyo Russia oo wada saameysay aduunkii .

Cabsi laga baqayo in hirdanka quwadaha aduunku sababo dagaalo waaweyn oo dhaca oo dalwaliba dib isugu tashaday si loo helo xal iyo kaydad lagaga gudbi karo mashaakilka aduunka ku soo beegan.

Arimahani marka loo eego waxa ay saameyn ku yeesheen dhaqaalaha dalwaliba oo aduunka ah jamhuuriyada Somaliland na ha kaba sii xagjirto e .

Isku soo wada xoori waxa maanta aduunka ka taagani waxa uu u baahan yahay in lagaga gudbo adkeysi , iskutashi iyo wax wada qabsi si looga badbaado dhibaatooyinkaasi taagan iyo halista ay ku yeelanayaan nolosha aduunyada.

XAALADAHA DAGAALKA LAAS-CAANOOD IYO SAAMEYNTA DHAQAALAHA SOMALILAND.

Waa hubaal in hadii dagaal la galo uu saameeyo dhaqaalaha qof ilaa qaran oo si toos ah iyo si dadbanba uu u saameeyo , haseyeeshee waxaa loo baahan yahay qorshe qaran iyo siyaasad lagaga gudbi karo wax walba oo dalka ku soo fool leh.

Dhinaca miisaaniyada qaranka marwalba waa ay sii korodhaa sida aynu ku aragnay jaantusyada iyo buugta miisaaniyada , inkasta oo qaranka in dayn badan lagu leeyahay uu sheegay wasiirka maaliyadu sanadkii hore.

Waxaa sidoo kale aan waxba laga fulinin garoocis miisaaniyadeedkii ay sameeyeen golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland sanadkii tagey oo ilaa hadda aan si cad qaranka loogu sheegin miisaaniyada lagu dhaqmayaa ta ay tahay.

Isku soo wada xoori dalka aynu Jaarka nahay ee Ethiopia waxaa soo foodsaaray sanadihii ugu dambeeyay ee colaada Tigray taagnayd cunoqabateyn dhaqaale oo aduunka iyo dawladaha qaadhaan bixiyayaashu siin jireen dalkaasi , waxaa sidoo kale hoos u dhacay dhaqaalaha dalka Ethiopia, waxaa fuuley culeys weyn oo dhinaca diblomaasiyada ah.

Waxaa aynu xasuusanaa in dawlada Ethiopia xidhay safaaradihii dibada waxii aan u muhiim aheyn , sidoo kale aduunka dhinaca ay is hayaan maaha e dhinacyadii kale gurmad ka raadsatay iyo taageero.

Dhamaan hawlahani waxa lagaga gudbi karaa hal adeyg iyo isku-tashi qaran ilaa qoys si looga badbaado dhibaatooyinka aduunka iyo dalkeenaba ka taagan xiligani oo ay aloosan tahay mid ka mid ah colaadaha Geeska Africa ugu halista iyo khatarta weyn oo ka taagan Laas-caanood.

QALINKII; Mohamed Abdi Jama “M. Dhimbiil”

Exit mobile version