Alle Ha,unaxariistee Waxa Caawa Magaalada Hargeysa Ku Geeriyooday Sheekh Maxamuud Suufi Oo Ahaa Mufti Diinta Islaamka Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Alle Ha,unaxariistee Waxa Caawa Magaalada Hargeysa Ku Geeriyooday Sheekh Maxamuud Suufi Oo Ahaa Mufti Diinta Islaamka Ah.
April 16, 2023 - Written by Editor:

Alle ha u naxariistee, waxa Caawa Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Somaliland iyo dhulka Soomaalida oo dhan.

Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed, ayaa noloshiisa intii ugu badnayn ku qaatay Fidinta Diinta, waxaana ka aflaxay Culimo badan oo Maanta caan ka ah dhulka Soomaalida, sida Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir iyo Culimo kale oo badan.

Alle ha u naxariistee, Sheekh Maxamuud Suufi, ayaa ka sakow Fidinta Diinta Islaamka, wuxuu door weyn ka soo qaatay Dhismaha Haykalka Dawladnimo ee Somaliland, isagoo soo noqday Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Golaha Guurtida, xilkaasi oo uu hayey 1993-kii illaa 1994-kii, xilligaasi oo Xukunka dalka hayey Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, hal sano ka dibna waxa loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta Aw-qaafta, xilkaas oo uu hayey illaa 2010-kii.

Wixii intaa ku dambeeyay,  wuxuu dib ugu laabtay Deraasaadka Diinta Islaamka, isagoo Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah ka marin jiray Masaajidka Ibraahim dheere ee Magaalada Hargeysa, iyadoo sidoo kalena Casharadiisa Tafsiirka Qur’aanka Kariimka si joogto ah looga baahin jiray Telefiishanka Dawladda Somaliland (SLNTV), si Dadka Masaajidka soo gaadhi waayaan ay Telefiishanka ugala socdaan.

Alle ha naxariistee Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo ahaa Caalim loogu eerto Culuumta Diinta Islaamka, ayaa geeriyooday 16-ka bisha 4-aad ee sannadka 2023, taasi oo waafaqsan 25-ka Ramadaan 1444 Hijriga.

Alle ha u naxariisto, Samir iyo Iimaana ha ka siiyo Bahda Culimada iyo guud ahaan Soomaalida.

Inaalillaahi Wa Inaa illaahu Raajucuun.

COMMENTS
LINKS