Ma Runbaa Sayid Moxamed Iyo Daraawiish Ayaa Xoreeyay Somaliland Iyo Somalia? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Runbaa Sayid Moxamed Iyo Daraawiish Ayaa Xoreeyay Somaliland Iyo Somalia?
April 20, 2023 - Written by Editor:

Sayidka iyo Daraawiish waxay jabeen 1920 waxaanu Sayidku, AHUN, ku dhintay Iimey December 1920. Jabkii Daraawiishta iyo xornimada Somaliland waxaa u dhaxeeyay 40 sannadood (1960-1920 = 40) mudadaas oo gumaysigu si weyn u qabsaday Somalida. Jabkii Daraawiishta waxaa ku dhammaaday oo ku xidhmay bogii taariikhda Halganka Daraawiishta.

Kacdoonadii Xornimadoonka Afrika ee kacay dagaalkii Labaad ee Adduunka waxaa ka dhashay Ururadii Xornimadoonka Somalida oo kala ahaa S.Y.L oo Somalia laga aasaasay 1943 iyo SNS oo Somaliland laga aasaasay 1945 kaas oo 1951 isku bedelay S.N.L. kadib shirweyne lagu qabtay magaalada Burco. Dhinaca Somalia waxaa xornimadoonka SYL hoggaamiye ka ahaa AHUN Mudane Cabdullahi Ciise Mohamuud halka dhinaca Somaliland uu xornimadoonka SNL hoggaamiye ka ahaa AHUN Mudane Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.

Sidaas daraadeed, Sayidka iyo Daraawiish wax kaalin ah ama saamayn ah kuma lahayn halgamadii xornimadoonka ee Somalia iyo Somaliland. Daraawiishtu waxay dagaal ku qaaday gumeysiga Ingiriiska oo markaas dalka ku cusbaa waxaanu dagaalka Daraawiishtu ku ekaa Somaliland oo qudha, guulna lagama gaadhin. Somalia Daraawiishtu kama dagaallamin. Dadka qaar ayaa gumaysi-la-dirirka aan soo hoyn guul xornimo ka fadila xornimo-doonka soo hooyay guusha madaxbanaanida Somaliland iyo Somalia iyaga oo ka leh dano gaar ama qabiil loo sameeyo guul iyo lib aanu soo hoyn.

Siyaad Barre ayaa Muqdisho ka taagay Taallada Sayidka 1972. Waxaa taalladaas burburiyay kacdoonkii shacabkii ee lagu riday xukunkii Siyaad Barre 1991. Waxaa dib u dhisay Mohamed Abdullahi Farmaajo 2018. Lama garanayo waxa Taallada Sayidka looga dhisay Muqdisho maadaama Sayidku aanu wax shuqul ku lahayn xornimada Somalia laakiinse shacabka Muqdisho loo tusay inuu isagu u keenay Somalia xornimadii 1960.

Taalladaas Sayidka ee laga dhisay Muqdisho waxaa dad badan aaminsanyihiin in ujeedadu ahayd in lagu tirtiro taariikhda halgankii xornimadoonka SYL ee Somalia iyo hormoodkii sababta u ahaa xornimada Somalia Mudane Cabdullahi Ciise Moxamuud, libintii xornimada uu lahaana loo siiyo Sayid Moxamed. Taariikhdu waa sooyaalka nololeed ee ummad waana ka mamnuuc in laga beensheego oo dugsiyada ubadka loogu dhigo taariikh khaldan si ay ugu koraan taariikh been ah oo lagu majarahaabinayo. Waa xaaraan in qabyaaladda loo adeegsado taariikhda ummad waayo waxay tirtiraysaa taariikhda dhabta ah ee sooyaalka ee ummadkasta laga rabo inay barto ubadkeeda iyo in abaal ma guuraan ah loo hayo dadkii usoo halgamay ummadda ee gaadhsiiyay xornimada ay maanta ku naaloonayso.

Taalladaas Sayidka ee Muqdisho laga dhisay waxaan qabaa inuu xaq u leeyahay hormoodkii xoriyadda Somalia Mudane Cabdillahi Ciise. Haddii Sayid Mohamed taallo looga dhiso Taleex oo xarunta Sayidku ahayd waa wax macquul ah sababta oo ah waxay u ahayd xarun dagaalkii Daraawiishta. Qofka halyeyga ah meesha uu ka dagaallamo ama halgamo ayuu xaq u leeyahay in laga xuso ama taallo looga dhiso oo la xushmeeyo. Tariikhda xornimada Somalia waxaa waajib ah in laga saxo wixii qalad galay si taariikhda dhabta ah loogu badbaadiyo ummadda iyo jiilasha soo socda.

QORE; Ibrahim Hassan Gagale

April 20, 2023

COMMENTS
LINKS