WAJAALE NEWS

Salaadii Ciidul Fidri: Jamacii Mudaharaaday!!

=Mid ka mid ah garoomada lagu tukado saaladaha Iiidaha ee dhinaca waqooyiga ee Hargaysa ayey ka dhacday dhacdo ku cusub tukashada salaadaha iiduhu. Markii ay dadkii soo buuxiyeen garoonkii ayey koox wadaaddo ahi ka dhexkaceen jamacii, waxaanay bilaabeen inay dhisme masaajid u ururiyaan lacag lagu dhiso. Sidaa inta badan caadada u ah marka lacag laga gurayo dadka tukanaya, waxa lagu bilaabay kun dollar, haddana shan boqol ilaa laga soo gaadho konton dollar.

Wakhtigii ay wadaaddadu lacagta gurayeen ayaa daba-dheeraatay, waxaana dadka ku dhacayey cadeed kulul oo subaxaasi dhacaysay.

Mid ah odayaasha goobta ku tukanayey ayaa si cadho leh u yidhi” waar dadka tukiya, lacag uun baad ka hadlaysaane.” Wadaadkii mikaroofnka hayey ayaa si degan u dejiyey odaygii. Wadaaddadii way sii wadeen lacag ururintii, waxa se dhacay in dhinaca bari ee garoonka dadkii ku tukanyey ay istaageen, iyaga oo farriin ficil ah u diraya wadaaddadan wakhtiga dheereeyey.

Haddana waxa ku raacay dadkii dhinaca galbeed fadhiyey oo kacay, si ay salaad u gaar ah u tukadaan haddii salaadda la geli waayo. Markii intii dhexe soo hadhay ayuu wadaadkii mikarofoonka hayey deg deg salaadii u galay.

W/Q:-Cali Cabdi Coomay.

Exit mobile version