“Laascaanood, Uma Baahna In La Isku Habarwacdo Iyo Tolaayeey Hala xishoodo, Dawladda Somaliland, waxa Saaran…” Raysal Wasaaraha Somalia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Laascaanood, Uma Baahna In La Isku Habarwacdo Iyo Tolaayeey Hala xishoodo, Dawladda Somaliland, waxa Saaran…” Raysal Wasaaraha Somalia
May 9, 2023 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Raysal Wasaaraha Somalia Xamse Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay Somaliland in ay la fadhiisato oo la Odayaasha reer Sool oo kala hadasho nabad gelyada Laascaanood, waxaanu sidoo kale u soo jeediyey in ay Somaliland oo celiso nabad gelyadii ay ku soo caano maashay. “Laascaanood, uma baahna in la isku habarwacdo iyo Tolaayeey hala xishoodo, Maamulka iyo Dawladda Somaliland waxaa saaran xil gaar ah oo ka saaran Nabadgalyada, wax axil ka saaran yahay haddii la yidhi Ciidanka meesha ka qaada, waxa xil kasaaran yahay in ay dadka iyo Odayaasha la fadhiistaan, waxa uu xil ka saaran yahay in nabad gelyada in ay ilaaliyaan.” Ayuu yidhi Raysal Wasaare Barre oo xalay Muqdisho ka hadlay, waxaanu intaasi raaciyey “Nabad gelyo ayaad ku soo caano maasheen, waayahan dambe waxa la moodaa in nabadgalyada juuc-juuc baa galay Nabadgalyada dib u soo celiya”

“Calanka Buluugga ah Hargaysa calan buu u yahay, Laascanood calan buu u yahay.Borama iyo Berbarana calan ayuu u yahay.Iyaguuna ka yimid.Wiil Soomaliyed inuu dhinto ma ogolin, in la wadda hadlaan rabnaa.”

“Siyaasadda waa laga heshiinaa, hal Dowladda ayaan nahay.Yaan laysku foggaan”

Raysal wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Bare

 

COMMENTS
LINKS