Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa Ayaa Soo Badbaadiyay Ilmo Yar Oo 2Jir Ah Oo Ku Dhacay Bullaacad! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidanka Dab-demiska Magaalada Hargeysa Ayaa Soo Badbaadiyay Ilmo Yar Oo 2Jir Ah Oo Ku Dhacay Bullaacad!
May 9, 2023 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa maanta soo badbaadiyay Ilmo yar oo  laba Jira kuna dhacay Bullaacad xaafada Xero-awr ee magaalada Hargeysa.

Ilaahay mahadii Naftood hurayaasha Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay ilmahaa yar ka soo samatabixiyaan Bullaacada isagoo nool, waxaana  ciidanku isla markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka magaalada Hargeysa.

Laba sanno ka hor Dhacdo noocan oo kale ah ayay ciidanku Ilmo yar isagana ka soo badbaadiyeen Musqul magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa inay markastaba ka warhayaan xaaladaha ay ku suganyihiin caruurta yar yar.

990 Gurmadka degdega ah

COMMENTS
LINKS