Madaxwayne Biixi Oo Kulan La Yeeshay Xubnaha Gudida Doorashooyinka Iyo Arimaha Ay ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Kulan La Yeeshay Xubnaha Gudida Doorashooyinka Iyo Arimaha Ay ka Wada Hadleen!
May 10, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxweyne Biixi, ayaa maanta kulan la yeeshay guddida Doorashooyinka Somaliland. faahfaahin rasmiya lagama bixin natiijada kulanka balse wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi, xubnaha guddida u sheegay in uu diyaariyay lacagtii Doorashada loona baahan yahay in hawlaha doorashada ururrada ay dedejiyaan.

Xubnaha guddida ayaa wararku sheegayaan in madaxweyne ay u sheegeen in marka hore loo baahan yahay isfaham dhexmara daneeyaasha Doorashada si ay iyaguna u soo saaraan jadwal doorasho oo rasmiya.

Madaxweyne Biixi, waxa uu doonayaa in doorashada ururradu soo horrayso halka xisbiyadu mucaaradku doonayaan in la qabto doorashada madaxtooyada.

COMMENTS
LINKS