HARGAYSA(W,N)-Madaxweyne Biixi, ayaa maanta kulan la yeeshay guddida Doorashooyinka Somaliland. faahfaahin rasmiya lagama bixin natiijada kulanka balse wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Biixi, xubnaha guddida u sheegay in uu diyaariyay lacagtii Doorashada loona baahan yahay in hawlaha doorashada ururrada ay dedejiyaan.
Xubnaha guddida ayaa wararku sheegayaan in madaxweyne ay u sheegeen in marka hore loo baahan yahay isfaham dhexmara daneeyaasha Doorashada si ay iyaguna u soo saaraan jadwal doorasho oo rasmiya.
Madaxweyne Biixi, waxa uu doonayaa in doorashada ururradu soo horrayso halka xisbiyadu mucaaradku doonayaan in la qabto doorashada madaxtooyada.