Suxufiyad Bushaaro Baaday Oo Caawa Fiidkii Lagu Xidhay Magaalo Xuduudeedka Wajaale Iyo Xogaha laga Helayo Xadhigeeda! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suxufiyad Bushaaro Baaday Oo Caawa Fiidkii Lagu Xidhay Magaalo Xuduudeedka Wajaale Iyo Xogaha laga Helayo Xadhigeeda!
May 15, 2023 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)- Laamaha Amaanka Ee Degmo Ganacsiyeedka tog wajaale Ee Somaliland ayaa caawa fiidkii Canbaaro 7;45 habeenimo xabsiga utaxaabay suxifiyad bushaaro baaday, xili ay kasoo gudubtay xadka Udhexeeya Somaliland iyo itoobiya Ee magaalada wajaale, iyadoo usoo gudbaysa dhinaca Somaliland.

Sida ay noo xaqiijiyeen maamulka degmada wajaale  suxufiyad bushaaro ayaa lagu xidhay saldhiga magaalada wajaale kaasi oo ay hada ku xidhan tahay,wallow aanay noo sheegin sobobta loo xidhay.

Suxufiyada caanka ah ee bushaaro baaday ayaa ka timid  itoobiya iyadoo ujeeday dhinaca Gudaha Somaliland.

laamaha amaanka ayaan ilaa hada ka hadal xadhiga suxufiyada, cida amartay xadhigeeda  iyo sharciyada ay ku qabteen toona.

Sidoo kale wararka laga helayo xadhiga suxufiyad bushaaro baaday ayaa sheegay inmarka la qabtay uu la socday siyaasi cabdilaahi cukuse oo ay ka wada yimaadeen dhinaca itoobiya, wallow aan isaga ciidamadu xidhin.

Wariye bushaaro baaday ayaa kamid ah suxufiyiinta reer Somaliland ee warbixino dhaliila ah ka diyaariyay xukuumada madaxwayne biixi kuwaasi oo markii ay hanjabaado la kulantay ay dalka dibadiisa ubaxday, taasi oo aanay mudo imanin dalka wallow aanu jirin  dacwad lagu soo oogay iyo maxkamada xukun ku riday toona,

Wixii kazoo Kordha xadhiga suxufiyad bushaaro baaday kala soco Wararkeena danbe.

 

COMMENTS
LINKS