Ciidamada Booliska Jsl Oo Shaaciyay Tirada Dad Ay Uqab Qabteen Falal Argagixiso! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Jsl Oo Shaaciyay Tirada Dad Ay Uqab Qabteen Falal Argagixiso!
May 21, 2023 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Guddida joogtada ah Ee Golaha guurtida Somaliland ayaa golahooda la wadaagay warbixinaha masuuliyiintii ay la kulmeen mudadii uu golahaasi ku jiray fasixiisi Dastuuriga ahaa.

Warbixinaha ay golaha la wadaageen waxa ka mid ahaa warbixinta taliyaha ciidanka booliska JSL, kaas oo ka warbixiyay arrimaha nabadgelyada, dilalka, kufsiga, shilalka gaadiidka, arrimaha mukhaadaraadka wixii ay ka qabteen iyo xaalada guud ee arrimaha nabadgelyada dalka.

Warbixinta taliyaha boolisku la wadaagay guddida joogtada ee golaha guurtidu waxa ay u dhigneyd sidan.

“Dilalka ka dhacay dalka bilihii 12-aad, 1-aad iyo 2-aad ayaa waxay ahaayeen 17 dil, waxay gacanta ku soo dhigeen boolisku 15 gacan ku dhiigle, halka ay baxsadeen 2 gacan ku dhiigle.

Sidoo kale kufsigii ka dhacay dalka bilihii 12-aad, 1-aad iyo 2-aad ayaa ayaa ahaa 72 fal kufsiyeed, halka 62 danbiilayaashi Kufsiyada gaystay ay qabteen, 10 danbiile oo arrimo kufsi ku eedaysana ay baxsadeen.”

Sidoo kale taliska boolisku waxa uu guddida joogtada ah ee golaha guurtida la wadaagay khasaaraha shilalkii dalka ka dhacay bilihii 12-aad, 1-aad iyo 2-aad, waxaanay sheegeen in wadarta guud ee shilalka dalka ka dhacay 3-da bilood ay yihiin kun shan boqol iyo afar iyo labaatan shil, waxa ku dhintay shilalkaasi 43 qof, kun iyo laba boqol iyo afar iyo afar dhaawac ah, khaasaraha gaadiidka, 924 iyo 23 neef oo xoolo ah, dhismaha guryaha lix guri.

Geesta kale warbixinta mukhaadaraadka ee ay gacanta ku soo dhigeen ayaa ahayd, xashiishayd 215 Kgr, Khamri 776 litir.

Dhinaca kale waxa warbixinta ciidanka boolisku la wadaadeeg guddida joogtada ee golaha guurtida inay qabteen 54 maxbuus oo Al-shabaab ah

COMMENTS
LINKS