Mujaahid Siciid Indhool oo Ku Amaanay Xukuumada Somaliland Sida Quruxda Badan Usoo Afjartay Shaqaadadii Beelaha Walaalaha Ah ee Gobolka Togdheer Dhawaan isku Dhacay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mujaahid Siciid Indhool oo Ku Amaanay Xukuumada Somaliland Sida Quruxda Badan Usoo Afjartay Shaqaadadii Beelaha Walaalaha Ah ee Gobolka Togdheer Dhawaan isku Dhacay.
May 24, 2023 - Written by Editor:

(Maxaa Xuub Iga Dilaacay Maxaa Xuma Layga Fayday)

“Waxaan u Ducaynayaa Kuwii Damiyey colaada Waxaan Habaarayaa Kuwii Dabkaaa Shiday.”

Hoosada Togdheer

Maalintu Hir uga baaqaayey

Waakii Soo Hogaan Baray

Wiilashii Kibir Hagoognaa.

Mujaahid Siciid Indhool.

 

Hargeisa(W.N):- Mujaahid Siciid Maxamuud Xuseen Mujaahid Siciid Indhool oo kamida ah dadkii tacabka halganka ah dalka Somaliland soo galiyey kana mid ahaa mujaahidiintii qaranka Somaliland dhiigooda usoo huray ayaa waxaa uu ku amaanay xukuumada Somaliland iyo cuqaasha reer Somaliland ee sida quruxda badan usoo dhameeyey beelaha walaalaha ah ee habaryoonis iyo ciise muuse ee dirirtu dhawaan ku dhexmartay deegaano hoos yimaada gobolka togdheer.

Mujaahid Siciid Indhool ayaa ku booriyey beelaha walaalaha ah ee wada dega goboka togdheer inay ka shaqeeyaan wada jirkooda isagoo ku amaanay sida quruxda badan ee ay labada beeloodba xilka weyn isaga saareen in ay u hogaansamaan dhexdhexaadinta iyo xadhiga nabada ee ergada iyo saraakiisha amniga ee ka socoday xukuumada Somaliland dhex dhigeen.

Waxaanu si gaara ugu amaanay dadaalka uu galiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo  Gudida amniga ee gobolka Togdheer.

Waxaa uu ilahay uga baryey cid kasta oo ka shaqeysay daminta colaadaa waxaanu habaar dusha uga tuuray kuwii ka danbeeyey hurinta colaadaasi.

Mujaahidka ayaa ku dheeraaday Faa’iidooyinka laga dhaxlo amaanka iyo nabad galyada iyo in aaney colaadi soo wadi wax u wanaagsan aakhiro iyo aduunba.

Waxaanu sheegay in ay ka tashadaan aayahooda iyo mustaqbalka ubadkooda kana foojignaadaan wax kasta oo wax u dhimaya kala dhantaalida wadajirkooda.

 

 

W/Q:-Mujaahid Siciid Indhool.

 

 

COMMENTS
LINKS