Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Marxuum Mujaahid Abokor Cabdi Maxamed (Afdhanle) Oo ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Marxuum Mujaahid Abokor Cabdi Maxamed (Afdhanle) Oo ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa!
July 8, 2023 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 08/07/2023.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, qoyskii, ehelladii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Mujaahid Marxuum Abokor Cabdi Maxamed (Afdhanle) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu ahayd 08/07/2023, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey Mujaahid iyo oday waayo arag ah oo ka baxay dalka iyo dadkaba, door muhiimana ku lahaa halgamadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray, markii danbena waxa uu ka mid ahaa waxgaradkii ka qayb-qaatay nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii Dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, ehelladii, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

COMMENTS
LINKS