Madaxwayne Biixi Oo Xilka Qaadis, Isku badal Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Qaarkamid Ah Golihiisa Wasiirada ! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi Oo Xilka Qaadis, Isku badal Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Qaarkamid Ah Golihiisa Wasiirada !
November 14, 2023 - Written by Editor:
Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/c/e/3/wajaalenews.net/httpd.www/wp-content/plugins/really-simple-facebook-twitter-share-buttons/really-simple-facebook-twitter-share-buttons.php on line 318

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha jsl muuse biixi cabdi ayaa wareegto uu maanta soo saaray xilkii ka qaaday qaarkamid ah wasiiradiisa halka uu isku badal iyo magacaabisna sameeyay.

Wareegtooyin Madaxweyne 14.11.2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka qaadis, magacaabid iyo Isku-bedel ku  sameeyey qaar ka mida xubnaha Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

  1. Ku: Cabdiqaadir Iimaan Warsame;

Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha

  1. Ku: Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil;

Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

  1. Ku: Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani;

Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

  1. Ku: Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne;

Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran.

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegtooyin Madaxweyne; Magacaabid iyo Isku-beddel

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

  1. Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
  2. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
  3. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
  4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.
  5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  6. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
  7. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
  8. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.
  9. Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha.
  10. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
  11. Axmed Maxamed Habbane Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

COMMENTS
LINKS