WAJAALE NEWS

Dhacdo Naxdinle; Guri Ku Gubtay Xaafada Cabaase Ee Magaalada Hargaysa Oo Ay Ku Geeriyoodeen Hooyo Iyo Laba Caruur Ah

Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax, kuwaasii oo ay ka hawl galeen Ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Ciidanka Booliska degmada Gacanlibaax ayaa la wareegay Maydka.

Qoraal ay ciidammada dabdamisku faafiyeen ayay ku yidhaahdeen sida tan: “Alle haw Naxariistee Hooyo iyo laba Caruura ayaa ku dhintay Dab ka kacay Hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Cabaaye ee degmada Gacan-libaax.

Abaaro 4:00 subaxnimo ciidanka Dabdemiska Hargeysa ayaa ka hawlgalay una gurmaday Qoyskaa, iyadoo halkaana laga samata-bixiyay afar caruura oo kale.

Ciidanka Booliska degmada Gacanlibaax ayaa la wareegay Maydkii. Baadhista Kiiskana waxaa gacanta ku haya ciidanka Dambi-baadhista.

Bulshada ku nool Somaliland waxaa ciidanka Dabdemisku farayaa in Habeenkii ka digtoonaadaan halista dabka:

– In Habeenkii La damiyo laydhka, lana aaso dabka girgirayaasha, lana dhigo meel ku haboon.

– ⁠In laga taxadaro wax kasta oo keeni kara dab.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi u dirayaa Qoyskaa Masiibadu ku dhacday, Alle Cawil kheyr Qaba hakasiiyo.

Allaa Mahad leh”

Exit mobile version